2-day cleaning task ened in Doolow district

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

2-day cleaning task ened in Doolow district

Post by XimanJaale »

Manshallah, great intiative done by the adminstration specially now its the rainy season, keep the town clean will prevent diseases to appear. :up:
Olole nadaafadeed oo wax looga qabanayo bilicda magaalada Doolow ee xadka Somaliya iyo Ethiopia ayaa kabilowday maanta magaaladaasi ayadoona aay ka qayb qaadanayaan dhamaanba ururada bulshada rayidka iyo dadka deegaanka ee magaaladaasi.

Hawlaha nadaafaadeed ee ka socda degmadaasi Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxaa soo agaaasintay hay’ada Copy taasi oo ay hay’addu ugu talagashay in wax laga qabto xaalada nadaafadeed ee degmada.

Mid ka mid ah madaxda ugu saraysa hay’ada oo la hadlay shabakada wararka ee Sooyaal News Network ayaa sheegay in hawlagalaan dhinaca nadaafada ah ay socon doonaan muddo labo maalmood ah islamarkaana ay wax kaga qabanayaan sidii ay u soo celin lahaayeen bilicda magaalada Doolow.

Goobaha ay ka socdaan ololaha nadaafadeed ayaa waxaa ka mid ah bartamaha maagaalada iyo Buundada kala qaybisa wadamada Somaliya iyi Ethiopia waxaa sidoo kale uu hawlgalku ka socdaa wadooyinka soo gala Degmadaasi gaar ahaana wadada ka imaada dhinaca degmada Luuq.

Tan iyo intii ay ku sugnaayeen ciidamada dawlada degmada Doolow waa markii koobaad oo laga sameeyo olole nadaafadeed oo lagu sugayo bilicda magaalada in kastoo haatan lagu jiro xilli roobaad oo ay dhalan karaan Cudurro kala duwan oo laga qaao nadaafad darrada.

Max’ed-Qani Xuseen Kuusoow

Doolow-Gedo Sooyaal News Network

sooyaalnews@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”