
Hotel cusub oo jiif iyo cunto iskugu jira looguna magac daray baarka caanka ah ee Rugsan Square ayaa xalay laga furay magaalada Garowe,waxaana xaflada casho casho sharaf ah oo hotelkan xadhiga lagaga jarayey xalay 5,12,2011 lagu qabtay hotelkan cusub xaruntiisa.
Qaar ka mid ah golaha xukuumadda,maamulka gobolka Nugaal ,kan degmada,bahda fanka iyo saxaafada,iyo dadweyne kale oo lagu casumey madasha ayaa ka soo qaybgaley xalay xafladii furitaanka.

Ugu horeyn waxa kalmad soo dhaweyn iyo furitaan isugu jirta goobta ka jeedisey Ijaabo Shiikh Xasan oo ah mulkiilaha hoteelkan,waxana ay sheegtay in ka dib markii ay aragtey baahida loo qabo in caasimada Puntland laga hirgeliyo jiif la mid qaabka caalamka ay ku dhalatay fikrada furitaanka hoteelka ka kooban in ka badan 60-ka qol.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi iyo duqa degmada Garowe Cabdi casiis Nuur Cilmi ayaa dhankooda amaaney hotelkan iyaga oo kalamad ka jeedinayey furitaankiisa xalay,sidoo kalena waxay ugu yeeren qurbajoogta Puntland in ay dalkooda maalgashadaan si loo gaaro horumarka la tiigsanayo
Xafladan casho sharafta ah ee hotelkan lagu fuarayey waxaa xadhiga ka jaray si rasmi ah ah Caasho Geele Diiriye wasiirada haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska Puntland ,waxayna sheegtay ka sokow maalgashiga gabdhan dalkooda ka sameeyen in uu xirfad u abuurayo dhalinyarada reer Puntland oo shaqooyin kala duwan ka qabanaya halkaasi.
Dhowaanahan Puntland waxaa ku soo badanayey ganacsiga dadka qurbajoogta ah ay ka sameenayaan dalkooda hooyo,waxana arintan soo dhaweeyey masuuliyiinta iyo madaxda dawladda oo ugu baaqey inta dibadaha ku sugan in ay dalka yimaadaan oo ka qayb qaatan horumarka kala duwan ee ka socda dalka iyo kobcinta dhaqaalaha.


