Orphanage Institute to be built in Caabuwaaq- PICS

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Orphanage Institute to be built in Caabuwaaq- PICS

Post by XimanJaale »

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
Waxaa Maanta Magaalada Caabudwaaq lagu dhagaxdhigay Koleej Loogu Talo galay in lagu xanaaneeyo Caruurta Agoonta ah ee Ku nool Waqooyiga Gobolka Galgaduud Kaasi oo Loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan caruurta agoonta ah eek u nool deegaanada waqooyiga galgaduud.

Koleejkaan oo uu Maamlgalinayo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini oo ah Gudoomiyaha Ururweynaha Jaaliyada Sade ee SDSI kaasi oo dhawaan booqasho ku yimid deegaanda waqooyiga galgaduud islamarkaana Booqday Degmooyinka Waqooyiga Galgaduud halkaasi oo uu booqashooyin ku tagay xarumaha caafimaadka waxbarashada iyo ceelasha ka dib booqashadiisii waqooyiga galgaduud ayuu Goostay Dr Cabdi Qani Sheikh Cali diini in uu Sameeyo ama uu dhiso Xarun Lagu Xanaaneeyo Agoonta Waqooyiga Galgaduud waxaana taas aad u soo dhaweeyey Dadweyanah Ku nool Waqooyiga Galgaduud oo ay ka mid Yihiin Degmooyinka Caabudwaaq, Balanballe, iyo dhabad kuwaas oo ay ku sugan yihiin Agoon aad u faro badan.

Koleejkaan Lagu Xanaaneeynayo Agoonta ayaa waxaa uu ka koobnaan doonaa 25 qol kaasi oo loou talo galay in dhamaan ay ka faa’iidaystaan marka hore caruur gaaraysa 250 caruur ah kuwaasi oo ah dhamaantood Agon waxaana uu ka koobnaan doonaa

1-Meel ay Caruurtu Jiiftaan

2- School iyo Dugsi Quraan

3- Kichinkii iyo Meelihii Cunada Lagu Cunayey

4- Masaajid

5- Xarun Caafimaad

6- Xafiisyadii

7- Musqulihii

8- Guryihii Shaqaalaha

9- Meelihii Caruurtu Ku Cayaarayeen

10- Iyo Hoolka Shirarka

Mashruucan loogu talo galay in ay ka faa’iidaystaan Caruurta Agoonta ah ee Uu hada Fulinayo Dr Cabdi Qani ayaa ah mashruuc aad ugu Muhiimsan dadweynaha ku nool degmada Caabudwaaq waxaana durba mahad Naq Balaaran ay kaga Imaanaysaa waalidiinta iyo shacab Weynaha ku Nool Waqooyiga Galgduud

Dr. Cabdi Qani Sheekh Cali Diini waxa uu Baaq u diray dhamaan Jaliyada ku abtirsada Magaca Beesha Sade iyo Cidkasta oo Ka damqanaysa in ay gacan ka gaystaan oo ay ku soo taraan wixii ay ku tari karana
User avatar
1moonlight
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 969
Joined: Sat Jan 29, 2011 4:32 pm
Location: Guriga Jid Cadaha Saaran.

Re: Orphanage Institute to be built in Caabuwaaq- PICS

Post by 1moonlight »

Masha Allah reer caabudwaaq waa dad nabada iyo hormarka jecel :up: .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”