Sheikh Sharif receives Italy's ambassador to Somalia

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Sheikh Sharif receives Italy's ambassador to Somalia

Post by TheblueNwhite »

The second European country opens embassy in Mogadisho. :up:

Madaxweynaha Dowladda DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa waxa uu maanta warqadaha Safiirnimada kala wareegay safiirka ay dowladda Talyaaniga ay u soo magacaawday dalkani Soomaaliya

Safiirka ay dowladda Talyaaniga usoo magacaawday Soomaaliya Andres Mazella ayaa waxa uu maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho isagoona warqad codsi ah u gudbiyay Madaxweynaha taa oo ku aadan sidii Safaarada Talyaaniga looga furi lahaa Muqdisho

Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa isaga ka gudoomay warqadaha safiirka ay Talyaanigu u Soo Magacaawdeyn dalkani soomaaliya intaasi kadib ayaa waxa uu kulan la yeeshay ra’iisulwasaare ku xigeyn ahna wasiirka Gaashaandhiga xukuumada KMG ah ee Soomaaliya.

Kulanka ka dib ayaa waxa uu tilmaamay Ra’iisuwasaare ku xigeyn in ay aad ugu faraxsan yihiin in safaarada Talyaaniga dib dalka looga furo.

Sidoo kale Safiirka Talyaaniga Andres Mazella ayaa waxa uu isna la hadlay saxaafada waxa uu Sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in safaarada Talyaaniga ay dib ugu howlgasho Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho waxa uuna wadamada caalamka ugu baaqay in ay iyana ka furtaan safaaradahooda dalkani Soomaaliya.
Kulmiyenews.

:clap:
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Sheikh Sharif receives Italy's ambassador to Somalia

Post by TheblueNwhite »

Safiirka Talyaaniga ee dalka Soomaaliya oo maanta warqadihii aqoonsiga u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed


Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley danjiraha dowlada Talyaaniga u soo magacawday dalka Soomaaliya Andres Mazella.

Madaxweyne Shiikh Shariif waxa uu ka guddoomay warqadihii aqoonsiga danjiraha cusub ee dowlada Talyaaniga ugaga wakiil noqon doona dalka Soomaaliya.

Waxayna labada dhinac ugaga hadleen kulanka sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii safaarada Talyaaniga ay u noqon lahayd mid howlaheeda caadiga ah gudata.

Safiirka Talyaaniga Andres Mazella ayaa waxa uu Sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in safaarada Talyaaniga ay dib ugu howlgasho magaalada Muqdisho waxana wadamada caalamka uu ugu baaqay in ay ka furtaan safaaradahooda dalka Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa hore ugaga furtay safaaradooda dowlada Turkiga iyadoo noqotay wadankii ugu horeeyey ee dalalka Yurub ka tirsan oo safaaradooda ka furta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wadamada Sudan,Itobiya iyo Jabuti ayaa safaaradahooda waxa ay ka howlgalaan magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Image
Ambassador Andres Mazella
User avatar
Daff
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2983
Joined: Wed Nov 09, 2011 2:25 am
Location: Xaga aad Ujeedaa Mala waa Xidigaheee Ninka Xoolo kaa dhacay Ka dacwee Xafiisyada

Re: Sheikh Sharif receives Italy's ambassador to Somalia

Post by Daff »

BnW answer my Q in shrib goorow
Addoow
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7611
Joined: Sat Aug 16, 2008 4:13 am
Location: Hawiye Pride!

Re: Sheikh Sharif receives Italy's ambassador to Somalia

Post by Addoow »

Good point.we should use all the TFG funds and resources to develop all mudulood lands and share it with our allies in the south.lets forget about somalia for onces and work for our qabiil.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Banaadir”