Football hooligans in Burco
Posted: Fri Dec 09, 2011 11:04 am
Tartankii Ciyaaraha Gobolada Oo Ay Maanta Ku Kulmeen Togdheer Iyo Hawd Oo Ku Soo Gabagabowday 4:1 Guushu Ku Raacday Gobolka Hawd Iyo Rabshado Ka Dhashay Oo Lagu Dhaawacay Laba Askari.
Burco (Ramaas) Dec 9,2011 – Tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ee ka socda Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo maraya wareegii labaad ayaa maanta waxa wada ciyaaray gobolada Togdheer iyo Hawd.
Ciyaartan labada kooxood ee Togdheer iyo Hawd wada ciyaareen oo ahayd oo mid aad u adag isla-markaana kooxda laga badiyaa haddii aanay dhibco hore haysan ay hadhaysay ayaa waxa labadooduba ku soo bandhigeen ciyaar aad u heer sareysay.
Labadan kooxood ee Hawd iyo Todheer oo daawashadeeda ay ka qayb-galeen boqolaal taageerayaal ah oo kala taageersan labada kooxood ayaa waxa ku badisay kooxda gobolka Hawd oo dhashatay 4 gool, halka kooxda gobolka Togdheer ay u suurto-gashay inay keensadaan hal gool.
Ciyaartan ayaa waxa hadheeyay buuq iyo sawaxan ka dhashay dagaal dhinaca cagta ah oo ay bilaabeen kooxda Gobolka Togdheer oo u qaadan wayday in laga badiyo, buuqaasina waxa uu sababey in ciyaartu joogsato iyadda oo maraysa 4 gool oo gobolka Hawd dhashaday iyo hal gool oo gobolka Togdheer ah.
Taageerayaasha kooxda gobolka Togdheer ayaa garoonka xoog ku soo dhex galay iyagga oo doonaya inay gacmaha ula tagaan, iyagga oo ka cadhaysan kooxdooda laga badiyey, balse ciidano boolis ah oo aad u faro badan oo garoonka ku sugnaa ayaa dadkii rasaas badan ku riday, waxaana halkaasi ka bilowday rabshado ay samaynayaan taageerayaasha kooxda gobolka Togdheer.
Rabshadaha taageerayaashu samaynayaan ayaa u gudbay qaybaha kala duwan ee Magaaladda Burco, ilaa haddana dhalinyaradaasi waxay dhagaxaan ku dhaawaceen laba ka mid ah ciidamadda booliska ah.
Wixii ka soo kordha rabshadahaasi kala soco RAMAASNEWS.COM