Afar Suldaan Jawaab kulul ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay Salaadiin iyo siyaasiyiin
December 9th, 2011
Hargeysa (Somaliland.Org)-Afar suldaan oo ka mid ah salaadiinta beelaha Sacad-muuse ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay jawaab kulul ka bixiyeen hadallo ka soo yeedhay Salaadiin, siyaasiyiin iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida, kuwaasi oo ay dhaliileen qaabkii ay uga hadleen dilalkii todobaadkii hore ka dhacay deegaanka Seemaal oo u dhaxeeya degmooyinka Baki iyo Gabiley ee lagu khaarajiyay sadexda qof.
Salaadiintan waxa kale oo ay difaaceen eedaymo loo soo jeediyay Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen. Nuux Ismaaciil Taani.
Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi jaraa’id waxa uu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii sadexdii qof ee lagu dilay deegaanka Saameel, waxaanu falkaasi ku tilmaamay mid waxshinimo ah.
“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo shaqaaqadaasi ka dhacday Seemaal, walaalayaal balaayo waligeed ayay dhici jirtay laakiin rag uun baa dawayn jiray, balaayo hurudana lama kaakiciyo ee waa la dejiyaa balaayadda. Waxaanu Tacsi u diraynaa eheladii sadexdii qof ee lagu dilay Saameel waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo, iyagana ILAAHAY naxariistii jano ka waraabiyo. Wixii falkaasi foosha xun geystayna waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu inoo bixiyo oo aynu qabano oo sharciga la mariyo,”ayuu yidhi Suldaan Xiis Barre.
Suldaan Xiis oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan baaq u jeedinayaa dadka walaalaha ah ee deegaankaasi degan waxaan leeyahay ILAAHAY wuu inoo bixin doonaa dadkaas falka xun geystay ee idinku wada dhalashadiina iyo walaaltinimadiina adkaysta.”
Suldaanku waxa uu naqdiyay hadalo ka soo yeedhay Salaadiin waxaanu yidhi “Dadka madaxda ah ee Salaadiinta ah ee nabadda laga eegayay inay nabadda u kacaan oo gurmadaan ee ku hadlaya hadaladda foosha xun ee madaxda qaranka aflagaadeynaya waxaanu leenahay saldanaddu sidaasi ma aha ee saldannaddu waa nabad iyo caano, waxaanan leenahay fidmadda aad ummadda kula dhex wareegaysaan joojiya.”
Suldaankaasi waxa uu xukuuamadda ugu baaqay inay xoriyadiisii u soo celiso nin suldaan ah oo uu sheegay in laga soo xidhay Gabilay, waxaanu ku dooday inaanu suldaankaasi waxba galabsan isla markaana uu xanuunsanayo.
Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si adag u cambaareeyay dilkii ka dhacay Saameel wxaanu ku sifeeyay dilkii ugu foosha xumaa ee ka dhacay wadanka Somaliland, waxaanu soo jeediyay in sharciga la horkeeno dhagar qabeyaashii dilkaasi fuliyay.
“Waxaan leeyahay Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, saldanadda aad haysaa waa mid da’a weyn, da’a weyniduna waxay u baahan tahay inaad wanaag ka taliso, reer Somaliland tallada way kuu daba fadhiisanayaan markaad wanaag tallinayso laakiin markaad xumaan tallinayso Suldaanimadiina waad dishay, cidi ku daba fadhiisan lahaydna kaama qaadanayso dulmigaas. Kaama aanaan eegayn hadalkan oo kale saldanadda aad ka soo jeedaana ma geydo arrintaasi,”ayuu yidhi Suldan Ismaaciil.
Suldaan Xuseen Ismaaciil waxa kale oo uu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay suldaan Saleebaan oo ka soo jeeda deegaanka degmada Dilla waxaanu yidhi “Suldaan Saleebaan-na waxaan leeyahay suldaan laba nin oo walaalo ah ka weyn ayaa walaal og ayaa la yidhi, maalinba reer ay balaayaddu ku dhici, halkii aad wanaag ka tallin lahayd ayaad tidhi madaxdii qaranka oo dhan dambiga dilka ayay wax ku leeyihiinne ha la soo xidh xidho. Waxaanu ku leenahay hadalkaas xun ka istaaq furulayso hadallo xun xun oo hore oo laguu tirinayaana way jiraan ragga dhintay waa la iloobaa laakiin hadalka xun lama ilaawo wax hubso ayanu ku leenahay.”
“Ninka xubin sharafeedka ka ah Golaha Guurtida ee Xildhibaan Garaad, waxaan leeyahay nin baa laba riyood lahaa waxa mid magaan ahayd oo Garo la odhan jiray xubin sharaf baad tahaye’e Xildhibaan ha ismoodin,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen Ismaaciil. Waxa kale oo uu sheegay in Taliyaha Ciidanka qaranku aanu ku lug lahayn dilkii ka dhacay Saameel, waxaana uu tilmaamay in dad dano gaar ah lihi ay magac dilayaan..
Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed oo ka hadlay shirkaasi wuxuu yidhi “Xukuumaddu ma aha inay iyaddu is xidh xidho, ama ay nin jaban oo xanuunsanaya Gabiley ka soo xidho, waa inay raadsato oo soo qabato dadkii wax sameeyay ee laayay dadka aan waxba galabsan. Suldaan Cirday waa nin weyn oo sideetan jir ah oo xanuunsanaya inta Gabiley laga soo qaaday ayaa saldhiga Koodbuur ee Hargeysa lagu xidhay.
“Abiib Diiriye oo la Taliyihii Madaxweynaha ah in la xidho oo la yidhaahdo falkaasi ayuu ka dambeeyay taas lafteedu waa khalade’e, waxaan leeyahay xukuumaddu iyadu ha isku fiirsato,”ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Siciid Maxamed, isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir wuxuu ka soo jeedaa saldanad fac weyn oo aanan garanayn Somaliland salnad ka da’a weyn, waxaana iskaga soo dambeeyay rag mudakar ah oo fiican aakhirkii waxay dul fadhiisatay Suldaan Maxamed C/Qaadir, waa inuu sidii awowyaashii u taliyo weeye. Ma aha inuu yidhaahdo Taliyaha Ciidanka Qaranka Gen. Nuux Ismaaciil Taani oo kaalin weyn ugu jira, ma aha nin aayar uun la yidhaahdo hala soo xidho dhacdadii ayuu ku jiraye’e waxaanu ku leenahay shacbiga arrintaasi xaal ka sii.”
“Suldaan Saleebaanka reer Awdal-na waxaan leeyahay nin weyn oo da’a ah ayaad tahaye’e waxaad afka u kala qaaday rag mudakar ah oo dalkani leeyahay oo uu ka mid yahay Nuux Taani, Abiib Diiriye Nuur iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE arrintaasi waa aflagaado cad,”ayuu yidhi Suldaan Maxamuud.
Waxa kale, oo halkaasi ka hadlay Suldaan Jaamac Cismaan Aadan, waxaanu cambaareeyay dilkii ka dhacay Saameel waxaanu labada beelood ee walaalaha ah u soo jeediyay inay wada hadal ku dhamaystaan wixii u dhaxeeya.
Suldaan Jaamac Cismaan Aadan waxa sheegay inaan loo baahnayn in la aflagaadeeyo Taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo uu xusay inuu yahay masuul qaran oo aan geyin in la hafro.
Sacad muse elders Defend Nuux taani Against Accusations
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen
- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Sacad muse elders Defend Nuux taani Against Accusations
The highest Military officer in Somaliland is supported by his clan against another clan. Then all must be good.
He is not a politician needing support from the one group, against the other. He should not even be in the media, public podium or be any doubt about his functioning, his role and his involvement in this issue, or any other issue. And this public support from his clan is creating more damage then doing good.
This is what has ruined Puntland. Clans thinking they own goverment institutions like the military.
He is not a politician needing support from the one group, against the other. He should not even be in the media, public podium or be any doubt about his functioning, his role and his involvement in this issue, or any other issue. And this public support from his clan is creating more damage then doing good.
This is what has ruined Puntland. Clans thinking they own goverment institutions like the military.

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Sacad muse elders Defend Nuux taani Against Accusations
Chief caaqil what are the evidence that nuux taani killed 3 people in awdal baki district 4 days ago just one piece of evidence?
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen
- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Sacad muse elders Defend Nuux taani Against Accusations
Emperior, I have not said that he was behind it. But that there seems to be mistrust against him from sections in SL. And him staying on will damage the trust in Somaliland institutions. And the military is one of the most important institutions.
This aint about Nuux Taani or clan's. Its about trust. What will happend next time if army tries to intervene in Awdal?
Do you think people will see the army as an independant institutions when people have doubts or accusations against the head?
This aint about Nuux Taani or clan's. Its about trust. What will happend next time if army tries to intervene in Awdal?
Do you think people will see the army as an independant institutions when people have doubts or accusations against the head?
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Sacad muse elders Defend Nuux taani Against Accusations
Well chief caaqil the sultan of dila says that nuux killed 3 civilians based on what we don't know i understand what ur saying but u cant just fire people based on what a koofiyad bacle says come on man Nuux taani was the first general of Somaliland under Cigaal under rayaale and under Siilanyo he is a very capable man and would not suppot clan Militias Against each other his tribesmen were against him when he deployed an army in 2009 to ceel baardaale ask the Jailed Jibriel Abokor Sheikh he accused Nuux that he was supporting the other Clan againt the reer Xareed.ChiefAaqil wrote:Emperior, I have not said that he was behind it. But that there seems to be mistrust against him from sections in SL. And him staying on will damage the trust in Somaliland institutions. And the military is one of the most important institutions.
This aint about Nuux Taani or clan's. Its about trust. What will happend next time if army tries to intervene in Awdal?
Do you think people will see the army as an independant institutions when people have doubts or accusations against the head?
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen
- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Sacad muse elders Defend Nuux taani Against Accusations
I said he should step down voluntary for the common good.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1489 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 21 Replies
- 2774 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 15 Replies
- 1093 Views
-
Last post by bashe19
-
- 4 Replies
- 529 Views
-
Last post by tightrope
-
- 0 Replies
- 368 Views
-
Last post by EastAfrica
-
- 36 Replies
- 2826 Views
-
Last post by Voltage
-
- 2 Replies
- 461 Views
-
Last post by damu
-
- 6 Replies
- 875 Views
-
Last post by kaliil
-
- 4 Replies
- 1865 Views
-
Last post by RuralMan08