High-level delegation PL visiting dijbouti

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

High-level delegation PL visiting dijbouti

Post by FBISOMALIA »

Image

Boosaaso:(Allpuntland)-Wafti sare oo kasocda dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo isugujira isimada dhaqanka ee Puntland qaarkood, Wasiiro katirsan golaha wasiirada ee Puntland, Gudoomiyeyaal degmo Iyo xubno kale oo matalaysay bulshada rayidka ah ee reer Puntland ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso iyadoo Waftigani ay u boqoleen magaalada Jabuuti ee xarunta jamhuuriyada dalka Jabuuti halkaasoo ay uga qaybgalayaan shirweyne looga hadlayo hormarinta degmooyinka Puntland.

Image

Waftigan oo uu horkacayey Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland Daa’uud Maxamed Cumar ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa isimo uu kamid ahaa Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin Ugaas oo kamid ah isimada dhaqanka ee Puntland, Gudoomiyaha rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Maxamuud Xaaji Xayir Ibraahim, Gudoomiyeyaal ka socday qaarkamid ah degmooyinka laamiga ka baxsan ee Puntland, Saraakiil matalaysay maamulada gobolada Puntland qaarkood iyo xubno kale oo aad u badan waxaana ay waftigu ka qaybgalayaan shirkan oo la filayo inuu todobaadkan ka furmo magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyada Jabuuti.

Image

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Mudane,Maxamuud Xayir Ibraahim oo ka hor intii aysan ka dhoofin waftigu garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso APL hadal kooban siiyey ayaa sheegey inay ka qaybgalayaan shir muhiim ah oo looga hadlayo hormarka Puntland iyo sidii loo siyaadin lahaa waxaana uu Gudoomiyaha Rugta Ganacsigu sheegey in ay halkaas ka jeedin doonaan hadalo ku saabsan baahiyaha guud ahaanba shacabka reer Puntland isagoo sheegay in shirkan ay soo qabanqaabisay hay’ada DAI oo laga leeyahay dalka Maraykanka taasoo fulin doonta mashaariic hormarineed oo Puntland laga samaynayo kadib markii la ogaado baahiyaha Puntland ka jira Waxaana uu Mr.Xayir Sheegey inay rajeynayaan in mudada kooban ee shirku uu socda ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah hormarka Puntland.

Image
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: High-level delegation PL visiting dijbouti

Post by quark »

:up:
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: High-level delegation PL visiting dijbouti

Post by tightrope »

:up:
Image ImageImage
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”