Look at this embicile writting garbage while he hides under religion and piety.
Dogs will always be dogs.whetehr they are in sheep clothing or use paints to conceal themselves.
Waqooyi Bari Kenya oo isku bedelaya Wazeristaanta Geeska Afrika,Ogaadeen iyo Bashtuun (Warbixin).
Dec 11, 2011 - 9 Comments
Weeraradii ugu cuslaa ayaa maanta lagu qaaday dowlada Nasaara Kenya oo qeyb ka ah dowladaha duulaanka saliibiga ah kusoo qaaday dalka Muslimka Somaaliya.
Dhimashada ayaa aad ugu badatay ciidamada kirishtanka Kenya ka gadaal qaraxyo is xigxigay oo maanta siyaaba kala duwan magaalooyinka Wajeer iyo Gaarisa oo dhulka NFD katirsan.
Sarkaal u hadlay Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay in 5 Askari laga dilay oo mid kamida ahaa sarkaal sare oo ciidanka amaanka Kenya katirsanaa.
Qaraxa ugu khasaaraha badan wuxuu Kenyaatiga kasoo gaadhay Kastamka Mandheera oo lagu burburiyay gaari nuuca gaashaaman ah oo ay wateen ciidanka Meleteriga.
Afhayeenka ciidanka Kenya ayaa isna caawa sheegay in qaraxyadii maanta ka dhacay Kenya loo adeegsaday xirfad cusub oo u Eg xirfadaha dhanka dagaalka ah oo ay adeegsadaan Xarakada Ashabaabul Mujaahidiin.
Waxaa taagan cabsi ah in Gobolka Waqooyi Bari Kenya uu isku bedelo gobolka Wazeristaan oo kale sababa laxariira faragelinta Kenya kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
C/qaadir Dhaqane oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka digay in haddii Kenya faragelinta kusii waddo Somaaliya uu Waqooyo Bari noqon doono sida xadka kala qeybiyo Afghanistan iyo Pakistan.
Qabaa’ilka Bashtuun ayaa dega xadka ku dhararsan Pakistan iyo Afghanistan waxayna taageero dhan walba ah kala siiyaan Taalibaan iyo dowladda Pakistan arrinkaasi oo keenay in Wezeristan noqoto meel aan maamul lahayn.
Qabiilka Ogaadeen ayaa dega waqooyi Bari Kenya ilaa iyo Afmadoow deegaanaa qabiilkaasi dego waxaa laga kala taageeraa mujaahidiinta iyo dowladda Kenya,Ogaadeenka NFD dego ayaa laga yaabaa in ay isku bedelaan sida Bashtuunka Afghanistan.
Abuu Khaalid
Somalimidni,o.com