Page 1 of 1

somalia national basket win in his first match agains qatar

Posted: Wed Dec 14, 2011 2:10 am
by FBISOMALIA
Image

Doxa(Puntlandi.com) Xulka Qaranka Gabdhaha kubadda koleyga (Basketball)ee Soomaaliya ayaa si xarage leh uga badiyey xulka qaranka gabdhaha kubadda koleyga ee waddanka Qatar, kadib markii ay maanta iskaga horyimaadeen cayaar ka tirsan cayaaraha kubadda kolayga ee olombiga carabta ee ka socda waddanka Qatar. Cayaartaas oo ay wada sugayeen dhammaan soomaalida ku nool waddanka Qadar

Waxaa dhammaan gegida cayaarta soo buux dhaafshay soomaali lagu qiyaasay dhawr boqol.

Image
Waxay cayaarta noqotay mid aad u xiisa badan waxaana ka soo qaygalay guddoomiyaha olombiga waddanka Qatar Amiir Shiikh Sucuud bin Cabdiraxmaan altaani, isagoo ah guddoomiyaha tartanka cayaarha carabta ee dooxa.
Waxaa kaloo ka mid ahaa madaxdaa wasiir ku xigeenka wasiirka shaqada iyo cayaaraha Daahir xaaji geelle, guddoomiyaha guddiga olombiga soomaaliyeed Aadan xaaji yabarow(wiish), Agaasimaha waaxda isboortiga ee wasaaradda shaqadda iyo cayaaraha Isaaq Xaashi jimcaale.

Image
Cayaarta waxay noqotay mid xulka qaranka gabdhaha kubadda koleyga ee soomaaliya guusha ku raacda iyagoo ku badiyey
Soomaaliya 67 Qatar 57

Waxaa maanta dhammaan idaacadaha aljazeera laga siidaayey sida wanaagsan oo ay ciyaareen gabdhaha xulka soomaaliyeed.

Puntlandi.com

Re: somalia national basket win in his first match agains qa

Posted: Wed Dec 14, 2011 2:30 am
by Lamagoodle
Guuleeysta. Waanu ku riyaaqnay guusha aad noo soo hooyiseen.