Wax-garadka Buuhoodle oo soo dhaweeyay Gogoshii Nabada ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay, kana gubtay Qaabkii ay u Socdeen Weftigii Burco soo
Buuhoodle(Waaheen)-Qaar ka mida Madaxdhaqameedka iyo Wax-gadarka Bulshada ku dhaqan Magaalada Buuhoodle iyo Deegaamada hoos yimaada ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan qorshe kasta oo lagaga wada hadlayo Nabad ku wada noolaanshaha iyo is-dhex galka Bulsho ee Gobolada Bariga Somaliland, gaar ahaan Sool iyo Buuhoodle, diyaarna u yihiin inay ka qayb galaan gogoshii nabada ee Madaxweyne Siilaanyo horaantii sanadkan u fidiyay bulshada deegaamadaasi si ay isula gorfeeyaan ajandaha Gogoshaasi nabadeed ee Madaxweynaha iyo Dawladiisu fidisay.
Reer Buuhoodle waxay sidoo kale iftiimiyeen inay diyaar u yihiin wada hadal ku saabsan qorshaha fog ee loogu gogol xaadhayo Gogosha Nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo fidiyay, kaasoo ah marka si dhab ah loo eego isfaham Siyaasadeed iyo in nidaamka Dawlada Somaliland si nabad-gelyo ah ku gaadho Buuhoodle iyo deegaamada hoos yimaada ee Somaliland, hadii bay yidhaahdeen halkooda loogu tegayo xaqiiqooyinka tabashooyinka ay bulshadoodu tirsanaysay intii Somaliland jirtay.
Hase yeshee ka qayb galka Gogosha Nabada iyo wada xaajoodka Somaliland waxay sheegeen inay u soo jeesanayaan marka uu dhamaado shirweynaha Beesha Dhul-bahante ee dhawaan ka furmaya Degmada Taleex, kaasoo nuxurka ajandayaashiisu yihiin aayo ka tashiga Beeshaasi ee dhinacyada siyaasada iyo horumarinta Goboladda ay degto oo labaatankii sanadood ee la soo dhaafay tafaraaruq Siyaasadeed ragaadiyay horumarintii adeegyada aasaasiga ahaa ee dadka iyo dhismayaasha Mustaqbalka nolosha Bulshada, gaar ahaan Buuhoodle iyo deegaamo badan oo hoos yimaada oo aanay wali si rasmi ah uga hawl gelin Hay’adaha Dawliga ah ee Somaliland sababo amaani daro iyo aragtiyo siyaasadeed awgood.
Maxamuud Sh. Cumar oo ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan Magaalada Buuhoodle, ahna Nin Siyaasi ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay Degmada Buuhoodle iyo Gobolkaba ayaa Waaheen u sheegay in Wax-garadka, madaxdhaqameedyada iyo Shacbiga reer Buuhoodleba diyaar u yihiin jid kasta oo loo marayo dhismaha nabad-gelyo waarta oo dhex marta Bulshooyinka wada degen Gobolka Buuhoodle, gaar ahaan kuwii ay colaadu ku dhex martay Deegaanka Kalshaale, soona dhaweynayaan Gogoshii nabada ee Madaxweynaha Somaliland dhawrka jeer ku cel-celiyay inuu u fidiyay Beelaha Gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle, taasoo aan ilaa hada sidii la rabay u qabsoomin“Gogol nabadeed cidkastaba way u baahantahay Somali oo dhan ayaa u baahan, dadka oo dhan ayaa u baahan anaguna niman diidan ma nihin, marka la soo maro nidaamkeeda oo ah wadadii ay ku imanaysay, dhaqankeeda iyo qodobada ugu muhiimsan in laga wada hadlo”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray“Markaa iyadoo Sidaasi ay tahay, hadana dhulbahante waxa uu ku jiraa shir oo u furmaya inta shirkaasi lagu jirna shir kale in laga qayb galo ama uu dhaco maaha oo layskuma oga iyadoo aanay nabad diidnimo naga ahayn hadana marka shirkaasi dhamaado ayuunbaa wixii laga wada hadlayo iyo qorshaha nabada laysugu iman karaa ayay ila tahay”.
Waxa kale oo uu tilmaamo ka bixiyay qaabka ugu fudud ee ay arkaan in loo mari karo wada hadalka Gogosha Nabada“ Ta kale Ciidanka Somaliland waxay maygaagle u jiraan 2 KM, hadii nabad laga wada hadlayana waxa muhiim ah in ciidankii dadka laga dul qaado, ka dibna loo gudbo qorshe wada hadal, waayo markii gogosha madaxweyne siilaanyo fidiyay dagaalbaaba socday, laakiin iminka dagaal ma socdo ee ciidamada meesha halaga qaado oo wada hadal ha furmo dadkani nabadbay diyaar u yihiine oo aan wada hadalno oo Dan siyaasadeed aan ka wada hadalno mid nabad-gelyo ka wada hadalno”.
Mar uu ka hadlayay aragtida Reer Buuhoodle ee ku aadan Weftigii uga ka soo kicitimay Buuhoodle Gogosha nabada ee lagu soo dhaweeyay Burco, waxa uu yidhi “Ragan shalay Burco lagu soo dhaweeyay may ahayn rag la soo diray oo u socday Reer Buuhoodle, laakiin niman dan shakhsiya kaga yimi Buuhoodle ayay ahaayeen, wax dhaqan ku saabsan iyo wax siyaasad ku saabsana umay metelayn deegaanka, hadii wax laga wada hadlayo ama gogol nabadeed la tegayana cidbaa ku shaqo leh”.
Mar la waydiiyay in qorshahan nabada ee ay hada qaateen qodobo ka hor-imanayaan shirkaasi ka soo bixi karo iyo in kale waxa uu ku jawaabay“Marka shirkaasi dhamaado wax hala wada qabsado ama yaan la wada qabsane nabad-gelyada waa laga wada hadlayaa, laakiin waxa shirka ka soo bixi doona anigu hada kama warami karo”.
Ugu dambeyn Maxamuud Sh. Cumar waxa uu ku adkaystan inay xiligan shacbiga Reer Buuhoodle diyaar u yihiin wadal hadal nabada iyo Gogoshii madaxweyne Siilaanyo u fidiyay mudo ka hor, iyadoo dhinaca kale madaxdhaqameedyo kale oo Wargeyska waaheen xidhiidho kala duwan la sameeyay ay cadeeyeen inay soo dhaweynayaan dedaal xasilooni lagaga dhex dhalinayo shacbiga deegaamada buuhoodle wada dega si ay nabad ugu wada noolaadaan.
Dhinaca kale waxa muuqda Dabac siyaasadeed iyo mid nabad-gelyo jacayl oo haatan ka soo ifaya qaybo ka mida dadka reer Buuhoodle oo sanado badan aaminsanaa mawqif adag oo kan hada ka duwan, waxaana sanadkan gudihiisa Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay tiraba laba wefti oo ka soo jawaabay baaqii nabadeed iyo gogoshii madaxweynaha Somaliland u fidiyay, kuwaasoo ay ugu dambeeyeen siyaasiyiin iyo madaxdhaqameedyo shalay soo gaadhay Hargeysa, si weyna loogu soo dhaweeyay Burco.
Waxaanay arrimahaasi horseed u noqon karaan yididiilo iyo isku soo dhawaanshiyo toos ah oo dhex mara Dawlada Somaliland iyo shacbigeeda ku dhaqan buuhoodle iyo deegaamo ka mida Sool oo wakhti badani kaga lumay aragti siyaasadeed oo qabiil ku salaysan iyo khilaaf daba socday, hadii ay si dhakhso ah Xukuumadda talada haysa iyo Hay’adaha kale ee Dawlada Somaliland uga hawl galaan taabo gelinta qorshe wax lagaga qabanayo tabashooyinka daba dheeraaday ee shacbigaasi tirsanayo iyo in xal waara oo nabad-gelyo laga dhex abuuro beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan ku dagaalamay Deegaankaa Kalshaale.
Buhoodle elders willing to talk to Sl govt on one condition
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 2830 Views
-
Last post by malakumod
-
- 115 Replies
- 14045 Views
-
Last post by kaliil
-
- 10 Replies
- 741 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 12 Replies
- 1061 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 9 Replies
- 1055 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 7 Replies
- 695 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 3 Replies
- 766 Views
-
Last post by CaynabaX
-
- 5 Replies
- 941 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 47 Replies
- 3511 Views
-
Last post by gemini07