Page 1 of 1

Kidnapped Boy In South Galkayo Released

Posted: Fri Dec 16, 2011 3:10 pm
by Somalian_Boqor
Gaalkacyo:Wiil Dhalinyaro ah oo Afduub loogu haystay Koonfurta Gaalkacyo oo xuriyadiisii maanta helay.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Iyadoo Dhowrkii cisho ee ugu danbeeyey Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Afduub loogu haystay Wiil aad u da’yar oo Lagu Magacaabo Cabdullaahi Cabdirisaaq Xabiib Faarax Gaas oo Sagaal Sano jir ah kana soo jeeda deegaanada Puntland islamarkaasna la afduubtay xili uu kasoo baxay Dugsi hoose oo kuyaala magaalada Gaalkacyo ayaa galabta si rasmi ah loogu soo wareejiyey Eheladiisa iyado ay soo wareejiyeen Waxgarad kasoo jeeda Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo dadaal dheer u galay sii deynta Cunugan.

Cabdullaahi Cabdirisaaq Xabiib Ayaa maalmihii u danbeeyey lagu haystay Deegaanka Bandiiradley ee Koonfurta Gobolka Mudug waxaana laga afduubtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyadoo afduubkiisu uu u dhacay si qorshaysan waxaana Afduubkiisa ay kooxdii haysatay ku macneeyeen Lacago ay kala dheceen dad kasoo kala jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo wallow malayshiyadii haysatay aysan helin lacagtii ay rabeen, Waxaana warar hoose oo laga helayo Siidaynta Wiilkani ay sheegayaan in Waxgaradku ay Awood kusoo furteen Wiilkan.

Soo wareejinta Cabdullaahi Cabdirisaaq oo ka dhacday Khadka Cagaaran oo ah halka kala qaybisa Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo ayaa ay ka qaybgaleen Dadweyne aad u farabadan Waxaana ay dadkii soo wareejintiisa ka qaybgalay ay wadajir usoo dhaweeyeen Fulinta Howshan oo ay ku tilmaameen arin baajisay Fidno markale cirka isku shareertay, Shalay ayaa ay ardayda Galmudug sameeyeen isku soo bax balaaran oo ay uga soo horjeedaan Afduubkan iyagoona muujiyey inuu noqon karo qorshe horleh oo hirgala, Saraakiisha maamulka Gobolka Mudug oo APL la hadashay ayaa soo dhaweeyey sii daynta Cabdullaahi Cabdirisaaq.

Cabdiqani Xayir
Cqxayir@hotmail.com
Allpuntland Team.

Re: Kidnapped Boy In South Galkayo Released

Posted: Fri Dec 16, 2011 6:40 pm
by FBISOMALIA
PL should not let this cause closed those criminals must bring to justice

Re: Kidnapped Boy In South Galkayo Released

Posted: Sat Dec 17, 2011 12:08 am
by tightrope
KIDNAPPING INNOCENT CHILDREN IS LOW, BUT THESE ARE THE SAME PEOPLE WHO LOOT, RAPE, AND MURDER :roll: