Wasakhgalis confused Whether TFG mps represent them or not
Posted: Sun Dec 18, 2011 4:36 pm
Xildhibaanada Maakhir ma yihiin kuwa ka shaqeeya danta Bulshada Maakhir iyo Puntland
Ninkii Geeliisa ka tegay oo Geel kale raacay, Hashaa magaceed buu kororsadaa.
Xiliyadii hore oo Bulshada Soomaaliyeed u badnaayeen xoolo dhaqatada ayaa ninka liita marka waqtigu adag yahay nta uu Geelisa ka tego,ayuu rag kale Geelashooda la la ilaalin jiray waxayna ka faa'iidaysan jireen Hashaa magaceed ,Nirigtaa yaa dhalay iyo waa imisa jir, halka Geelii isagu lahaa uu meel cidl'a ah waraabe iyo Weere ugu dili jiray.
Bulshada Soomaaliyeed badankoodu maanta waxay ku nool yihiin magaalooyin waxayna leeyihiin Dawlad ku dhisan magacooda awood kasta ha lahaatee, waxaana meeshii Geel jiraha buuxiyey maanta waa Wasiiro iyo Xildhibaano uga wakiil ah dawlada markaa jirta Shacabka ay ka soo jeedaan iyaga oo raadinaya cirib tirka baahida Bulshada iyo waxqabadka degaanada ay ka soo jeedaan isala markaana u ololeeya horumarka Bulshada qaybaheeda kala duwan sida Caafimaadka,Waxbarashada,wadooyinka,amniga, dakhli miisaaniyeed oo degaanku yeesho si uu xor ugu noqdo cidna ugu tiirsan.
Xildhibaanada ka soo jeeda Degaanada Maakhir ee Dawlada KMG ayaa waxay noqdeen Geeljirihii intuu Geeliisa ka tago Geel rag kale ilaalin jiray isaga oo ka faa'iidaya hashaa magaceed iyo Nirigtaa labo jirka ah yaa dhalay.
Xildhibaanada dawlada KMG oo ka jeeda Degaanada Maakhir haba yaraatee kama hadlaan Degaanada Maakhir iska daa waxqabad ay u qabtaane iyo maamulka Puntland oo wax badan ka bedelay horumarka degaanada Maakhir oo maanta ka wada mashaariic badan oo horumarineed hase ahaatee qaarkood waxay si cad maanta sida la ogyahay ula safteen haraagii jabhadii USC markii danbe isku bedeshay Maxaakiimta ka dibna noqday Xildhibaanadii uu Sheekh Shariif ku inqilaabay dawladii Cabdulaahi Yuusuf oo maalmahan danbe diidanaa in Shirka wada tashiga wajigiisa labaad lagu qabto Caasimada Puntland ee Garoowe.
Ugu danbayntii Xildhibaanada Maakhir oo intooda badani ay qaadi doonto seefta lagu dhimayo ama lagu yareenayo Xildhibaanada Tirada badan ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dantii umadda iyo degaanka waxay ka hor mariyeen sidii ay iyagu u sii joogi lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya iyaga sheeganaya in ay wakiil ka yihiin Bulshada Maakhir oo ay maanta ka soo hor jeedeen horumarkeeda iyaga oo la safan Xildhibaanada ku caan baxay Isir nacaybka.