Qarxis Nugaal: locals denounce SOMALI CHANNEL false news
Posted: Mon Dec 19, 2011 4:53 pm
Deegaanka Qarxis oo ka tirsan degmad Eyl ee gobolka Nugaal qiyaastiina 120-KM dhanka bari ka xiga caasimada Puntland Garowe waxaa maanta 18,Dec,2011 ka dhacay kulan balaaran oo lagu cambaaraynayo war u tabiyey telefishinka Somali Channel kuna saabsanaa in deegaanka qarxis laga bilaabayo macdan qodis aan dadka deegaanka ogayn,taasoo lagu tilmaamay mid laga been sheegay deegaankaasi.
Shirkan oo ay soo abaabuleen maamulka degmada Eyl,ayaa waxa kasoo qaybgalay cuqaasha ,waxgaradka,culimada,iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Qarxis.
Sidoo kale shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socdey Dowladda Puntland sida agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Cabdulaahi Siciid Yuusuf iyo taliye ku xigeenka ciidamada booliiska iyo asluubta Puntlland Muxiyiddiin Axmed Muse.
Gudoomiyaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal Muuse Cismaan Yuusuf oo ugu horayn kulankan furay ayaa ujeedadsiisa ku sheegay ka dabataga war been ah oo ay abaabuleen dad aan matalin rabitaanka deegaanka uuna buunbuuniyey arintaasi Somali Channel oo lah telefishin laga mamnuucay deegaanada Puntland ka dib markii lagu soo eedyey xiriri argagixiso.
Muuse cismaan waxa ku dheeraaday hawlaha ay ka wadaan Eyl iyo waxa ay ka qabteen,wuxuuna sheegay in mashruuca JPLG lagu daray Eyl degmooyinka laga hirgelinayo sannadkan deegaanada Puntland ,isagoo dhinace kelena taabtay in ciidamada la dhaleeceyey ee beenta laga faafiyey ay ahaayeen kuwii qaybta libaax ka soo qaatay samatabixintii abaartii bartamihii sannadkan saameysye Puntland.
Cuqaasha,waxgaradka,Culimada iyo haweenka madashan ka hadlay ayaa ugu horayn raali gelin ka bixiyey warka uu faafiyey telefishinku ,waxayna amaaneen waxqabadka muuqda ee deeganadooda dawladu ka qabanayso,iyagoo sheegey in dawladdu tahay nidaamkoodii hadday wax ka tabanayaan ay toos ugu sheegi laahaayeen,balse aysan marnaba ka suutoobin inay ka dicaayadeeyaan qalabka warbaahinta.
Qaar ka mid odayaashii laga baahiyey codadkooda TV-gaas,ayaa ku nuuxnuuxsaday in la khalday oo ay raali gelin ka bixinyaan,waxayna sheegeen in duubitaanka aysan ogayn,waxayna intaasi ku dareen in hadda wixii ka dambeeya ay ka digtoonayaan dhacadadaas oo kele.
Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Siciid Yuusuf oo ugu danbayn shirkan soo afmeeray ayaa uga mahad celiyey dadweynaha Qarxis degan sida ay uga dhidhiyeen ama uga xumaadeen warka kicinta ahaa ee deegaankaasi laga sheegay,wuxuuna dhaleeceyey TV-ga Somali Channel oo ku tilmaamay inuu xiriir la leeyahay kooxaha xag jirka ah.
Cabdilaahi Siciid yaa sidoo kele sheegay in socsocdka ka jira degmada Eyl iyo Qarxis ay tahay ciidamada badda oo la rabo in qayb ka mid ah la geeyo xeebta Eyl si ay ula dagalamaan kooxaha burcad badeeda ah,dhinaca kele wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu sannadka ku dhawaaqay in la gaaro dhulka laamiga ka baxsan si loo horumar iyo waxna loogu qabto.
Shirkan ayaa dadka deegaanku qabteen ka dib markii laga baahiyey telefishinkaasi warar been abuur ah oo wax u dhimaya dadka deegaanka Qarxis ku sugan,iyadoona dhamaan masuuliyiinti halkaasi tagye siweyn loogu soo dhaweeyey.
![]()