Page 1 of 1
SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Thu Dec 22, 2011 8:38 am
by CaynabaX
Burco-(Qori)-Ciidamada Miletariga ee Fadhiisinka ku leh Deegaanka KALSHAALE ayaa shalay xabsiga dhigay laba nin oo reer Qorilugud ah oo la kala yidhaahdo Muuse C/llaahi Qudh-qudhle iyo Cabdi Suufi, k
uwaas oo isku deyey inay dib u qodaan Baraagihii ay Xukuumadda Somaliland Aastay ee Dilku ka dhacay. Sida wararka uu ku soo tebiyey Weriyaha Gobolkaasi ay sheegayaan waxa ay nimankani ku Dacwoonayaan in Lacag Xukuumaddu ugu talogashay in loo celiyo si Barkadaha loo Aaso oo ay hore u diideen in dib loo siiyo ama Xukuumaddii laga soo qaaday dib loogu celiyo iyaga oo ugu Hanjabey cidii lacagtaas loo soo dhiibay haddii ay Lacagtaas cadayn weydo halka ay ku baxday ay Dib u qodanayaan Baraagahoodii.
Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Togdheer General Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhega-cade) ayaa xaqiijiyey Jiritaanka Warkaa, Sheegayna in ay Labadaa Nin ku hayaan Saldhiga Dhexe ee Booliiska Gobolka Togdheer, isaga oo sheegay in ay ku soo wareejiyeen Ciidanka Qaranka ee Fadhiisinka ku leh Deegaanka Kalshaale, kuwaas oo soo qabtay markii ay tageen goobtii Baraagaha laga Aasay. Sidoo kale dhacdadan ay labada Nin ku talaabsadeen waxa cadeeyey niman reer Qorilugud ah oo sheegay khilaafka jiraa inuu Salka ku hayo Lacagtii Xukuumaddu ku soo bixisay in loo celiyo Qoysaskii Baraagaha laga Aasay ee Reer Qorilugud in ay fara dhexdood ka baxday, Lacagtaasi oo aan Dadkii La siin Xukuumaddana loo celin. Si kastaba arrintu ha ahaatee wararka aanu ka helayno Deegaankaas ayaa sheegaya sababta wakhtigan keentay in Nimankaasi abuuraan ama bilaabaan khilaafkan inay tahay sidii loo fashilin lahaa Baaqii Suldaanka Guud ee Beelaha Habarjeclo ugu baaqay Reer Buuhoodle Gogosha Nabadgelyo taasoo maalmahanba tashigeedii iyo Fulinteediiba shirar Doceedyo uga furmeen beelaha Habarjeclo Deegaanka Qorilugud.
QorilugudWebnews Chief Editor
cajiib

Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Thu Dec 22, 2011 10:06 am
by ToughGong
Crazy Soolamadows

Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Thu Dec 22, 2011 4:45 pm
by SahanGalbeed
Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Fri Dec 23, 2011 2:32 am
by Mr_Alfaas
Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Sat Dec 24, 2011 6:22 am
by Babygirl-
Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Sat Dec 24, 2011 6:31 am
by Sanbalolshe
Caynaba,
Oo inaader weli ma kalshaale ayaynu ku wareegaynaa, anna waxaan islahaa reerku hadda buuhoodle qabsey bee

?! War anaga iyo dawaladda S/land maxaa nakala haysta.
Babygirl,
Inaabti ma aragtaa dawladnimadu sharafta iyo nabadgelyada ay leedahay? Sida la idiin ilaalinayo sow ma aragtid lol? Afar sano ka bacdi ninkan HJ markuu meesha iskaga dego Solomadow yaa idinka celinaya tolow?
Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Sat Dec 24, 2011 6:37 am
by Babygirl-
Militiada SNMta siida an buursanaay baay xasuustan iyo taangiyo, BM, Alsahabab, Abudwaq, ONLF & Goldogon & SSC ineey soo werareen..

Reerka Dhibka wadana weey ogyihin sidi maliinti kowaad in caagta lamariin, waar hooy jooga Dhiib haa bilabiine..
Soo Soocda BM kaas baka soo hooreeya..
Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Sat Dec 24, 2011 9:24 am
by LiQaaye_TDH
...
Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Sat Dec 24, 2011 9:24 am
by LiQaaye_TDH
Dhullos iyo Solomadow maxa kala Haysta...
You guys have to attend Shirweynaha aan Inoogu Diyaariyay Taalobuur

There will be plenty of Meat

Re: SL forces in Kalshaale arrest two men from Qorulugud
Posted: Sat Dec 24, 2011 9:58 am
by CaynabaX
Sanbalolshe wrote:Caynaba,
Oo inaader weli ma kalshaale ayaynu ku wareegaynaa, anna waxaan islahaa reerku hadda buuhoodle qabsey bee

?! War anaga iyo dawaladda S/land maxaa nakala haysta.
Babygirl,
Inaabti ma aragtaa dawladnimadu sharafta iyo nabadgelyada ay leedahay? Sida la idiin ilaalinayo sow ma aragtid lol? Afar sano ka bacdi ninkan HJ markuu meesha iskaga dego Solomadow yaa idinka celinaya tolow?
Sanbalolshe ina adeer Barre Cabdille muxuu sameeyni? xuduudeena with the Dhulbahante gees walba waxaa fadhiya ciidanka Qaranka..

From Kalshaale to near Xadhadanka south from Habri-Heshay every where.
Liqaaye fresh made meat from suuqa weyn in Afgooye - Burco soomaha?
