Ugaaska Beesha Xassan Gaashirdle to be crowned in Luuq

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Ugaaska Beesha Xassan Gaashirdle to be crowned in Luuq

Post by XimanJaale »

Guddiga qaban-qaabada shirweynihii dib loogu dooran lahaa Ugaaska beesha Xasan Gaashireedle, Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow ayaa maanta ku dhawaaqay in shirkaas oo horay loo shaaciyay in uu dhici doono dhamaadka bishaan December dib loo dhigay muddo laba bilood ah arrimo la xariira dhanka amniga gobolka Gedo iyo kuwo farsamo awgood.

Cabdirashiid Cabdi Xasan (Cabdirashiid Hoolaa) oo ah afhayeenka guddiga qaban-qaabada shirka, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamada qurbajoogta beesha Xasan Gaashireedle ayaa ku dhawaaqay in shirka dib loogu dooranayo Ugaas Maxamed Xasan Yarow uu dhici doono February 28, 2012, shirkana uu ka dhici doono magaalada Luuq ee gobolka Gedo.

Wixii su’aal ah ee qoraalkaan ku saabsan waxaa lagala xariiri karaa:

1. Xasan Ugaas Dahir Yarow oo ah wakiilka gaarka ah ee Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, hassandhere1@hotmail.com.

2. Cabdirashiid Cabdi Xasan (Cabdirashiid Hoolaa) oo ah afhayeenka guddiga qaban-qaabada shirka, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga Farsamada qurbajoogta beesha Xasan Gaashireedle, hoolaa17@hotmail.com.

3. Caaqil Cabdixaafid Maxamed Nuure, xaafid1@hotmail.com.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”