Beesha Talxe elders & intellectuals have spoken for justice!
Posted: Fri Dec 23, 2011 5:04 pm
Elders and intellectuals of Beesha Talxe have had a meeting in Ceelwaaq. They are taking the Kenyan government into the international court of Hague for the airstrikes in Gedo and Lower Jubba. They also discussed the road-map conference.
Ceelwaaq, Somalia (AOL) - Odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeedo beesha Talxe ee gobolada Gedo iyo Jubooyinka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Ceelwaaq ayaa sheegay in ay maxkamada dambiyada Caalamiga u gudbinayaan dacwad ka dhan ah dawlada Kenya oo ay ku eedeeyeen in ay dhibaato u gaystay dad kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Jubooyinka.
Odayaal, Aqoonyahaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeedo beesha Talaxe ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo maanta kulan balaaran ku yeeshay magaalada Ceelwaaq ayaa waxa ay ka hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid ahayd duqeyntii dhawaan ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubooyinka. Kulankooda kadib ayaa waxaa Saxaafadda la halay nabadoon Xuseen Xasan oo ah Afhayeenka Odayaashaaasi beesha Talxe, kaasi oo sheegay in dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Kenya ay u gudbinayaan Maxkamada dambiyada Caalamiga ee Heeg, isagoo intaasi ku daray in dadkii lagu dhibaateeyay deegaanada Gedo iyo Jubooyinka duqeyntii ka dhacay aysan jirin cid intii dhimatay mooyee kuwii dhaawaca ahaa aanay jirin cid wax u qabatay, loona baahan yahay in lagu sameeyo baaritaan caalami ah dadkii dhibka uu kasoo gaaray duqeyntaasi gardarda ahayd.
Sidoo kale, afhayeenka Odayaasha beesha Talaxe Amaareer xuseen Xasan ee gobolada Gedo iyo Jubooyinka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ay qaadaceen ka qeyb galka Shirka wadatashiga ee ka socoda magaalada Garoowe, isagoo ugu baaqay Wasiiradda iyo Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Gedo iyo Jubooyinka in aysan ka qeyb galin shirkaasi maadaama uu yahay mid Soomaalida lagu kala qeybinayo danina aanay ugu jirin shirkaasi.
Horay ayaa xildhibaano iyo wasiiro ka mid ah dowladda KMG Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolada Gedo iyo Jubooyinka waxaa ay ugu eedeeyeen Kenya in ay dhibaato xoogan uu u gaystay dadka kasoo jeeda Gedo iyo Jubooyinka, gaar ahaan deegaandii la duqeeyay dhawaan.
———–
Cabdiqani Maxmed Bayoow, Kismaayo/Somalia.