Somali , Somali looga turjumaayo
Posted: Sat Dec 24, 2011 5:40 am
Bal akhristow see ku macnayn lahayd Riyo aan xalay ku riyooday oo ahayd qof somali ah oo qof somali ah looga turjumayo markasan isawydiiyay oo waxa idhi Acudubilahi waxasu maxay tahay markasa waxa la ii sheegay oo layidhi wa xaqiiqda maanta jirta macnaheeduna waxa weeye Somaali qurbaha yimi oo wadankii ka soo cararay oo awladeedi afkii iyo dhaqankii ka dhumay oo waxad ba arkaysa aabe iyo hooyo ilmahoodi looga turjumayo , tan labad Somaliyi maanta waa kala daadsantahay oo oo wadama shisheeye ama dad shisheeye ba u kala dab qaadaya oo hada eegtid qolooyinka kala sheegta magaca Puntland iyo Somaliland maanta Itoobiya ba u kala talisa oo xata haday isku dhacan go'aanka kamadamayna iska leh Kenyana waxay samaysay wadankii bay soo gashay ayadoo kaashanaysa somali marka riyada waxay ku soo dhamaatay aabayashi iyo awoowayashi Somalida oo Qabrigooda ka soo qaylinaya oo leh war hoy Somaliyey arintu sas ma'ahe ka daaya oo sida isu dhaama.