Page 1 of 1
Muuse Biixi Kulmiye chairmen meets with S/land Com In china
Posted: Mon Dec 26, 2011 12:07 pm
by The_Emperior5
Re: Muuse Biixi Kulmiye chairmen meets with S/land Com In ch
Posted: Mon Dec 26, 2011 12:08 pm
by The_Emperior5
Jaaliyada Somaliland ee China oo si balaadhan u soo dhoweysay weftigii Xisbiga Kulmiye ee booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Shiinaha
SDWO (China 26/12/2011) Weftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye - Muuse Biixi Cabdi ee maalmahanba booqashada rasmiga ah ku joogay dalka shiinaha ayaa soo gaadhay magaalada Wuhaan.
Waxa Weftiga madaarka ku soo dhoweeyay Jaaliyada Somaliland iyo Ardayda Somaliland oo uu horkacayo gudoomiyaha ardayda Ciise.
Weftiga ayaa habeenimadii danbena lagu qaabilay casho sharaf balaadhan oo ay u sameeyeen Ardayda iyo Jaaliyada Somaliland, Cashadaasi oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne badan waxa halkaasi laga jeediyey qudbado badan, isagoo uu halkaas ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.
Waxa wefitga la socday oo ka soo raacay caasimada dalka shiinaha xubno ka mid ah xisbiga talada dalka Shiinaha haya oo ka mid ahaa dadkii ku soo dhoweyay weftigu markii ay yimaadeen shiinaha.
Weftiga ayaan weli la sheegin xiliga uu soo afjaridoono booqashadan rasmiga ah ee ay ku gaalaa bixinayaan dhulweynaha shiinaha.
SDWO News Desk - China