Gabiley being developed real fast

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Gabiley being developed real fast

Post by The_Emperior5 »

[youtube]RYVj60ywFpY#![/youtube]


:sland: :up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Gabiley being developed real fast

Post by The_Emperior5 »

Madaxweyne-ku-xigeenka oo Xadhiga ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyey Gabiley

Mon 26th Dec,2011
Gabiley (Jam)-Madaxwayne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo Maamulka Dawlada hoose ee Degmada Gabiley ka hirgaliyeen magaalada Gabiley, mashaariicdaas oo isugu jiray dhismayaal iyo waddooyin.
Madaxwayne-kuxigeenka oo ay wehelinayeen raxan ka tirsan Golaha Wasiirada ee xukuumada tallada dalka haysa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Hawlaha Guud iyo guriyeynta, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, La- taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Siyaasada, Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Golayaasha Madaxtooyada, Agaasimaha Deeqaha ee Xafiiska Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha, isla markaana soo gaadhay magaalada barqanimadii shalay waxa duleedka bari ee magaalada kaga hor tagay masuuliyiinta Gobolka iyo Madaxda Degmada oo ay hor kacayaan Badhasaabka Gobolka Gabiley Md. Cali Aadan Meecaad iyo Maayarka Magaalada Marwo Khadra Xaaji Gaydh. Iyada oo dhinaca kalena ay Jidka hareero tubnaayeen dadwayne aad u tiro badan oo qaarkood ku labisnaayeen dharka hiddaha iyo dhaqanka, iyaga oo sidoo kalena lulayey caleemo qoyan iyo astaanta qaranka, kuna dhawaaqayey hal-ku-dhegyo ay ku muujinayeen soo dhawayntooda weftiga madaxweyne-ku-xigeenka.

Madaxwayne-ku-xigeenka iyo xubnaha waftigiisan oo bilowgii ay soo gaadheen gudaha magaalada Gabiley xadhkaha ka jaray Mashaariicda Dawladda Hoose ee Gabiley hirgeliyeen oo kala ahaa laba wado midkiiba 500m tahay, dhisme ay ku kordhiyeen Xarunta Agoomaha Gabiley, laba fasal oo ay sidoo kale ku kordhiyeen Dugsiga Hoose/dhexe ee Guudle iyo dhismaha hool aad u wayn oo qaadi doona ku dhawaad kun qof oo ay ka hir-galiyeen Gudaha Xarunta Dawlada/hoose ee Gabiley.

Ka dib markii la soo gaba-gabeeyey Xadhig-jaristii dhismaha hoolka cusub ee Xarunta Dawlada/hoose, ayaa munaasibad ballaadhan oo si wayn loo soo agaasimay loogu qabtay isla hoolka xadhiga laga jaray, taasi oo ay ka qaybgaleen salaadiin, cuqaal, wax-garadka reer Gabiley, Madaxda Ururrada Arrimaha Bulshada, iyo ururrada haweenka iyo waliba marti sharaf kale oo badan.

Waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil oo si wayn ugu mahadceliyey Madaxda Gobolka iyo kuwa Degmada, sidoo kalena si wayn u hambalyeeyey Maamulka Dawlada/Hoose ee Gabiley oo uu ku tilmaamay inay kaga dhabeeyeen ballan-qaadkii xisbigoodii KULMIYE bulshada u fidin jireen, isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “ Waxaan hambalyo u dirayaa Marwo Khadra Xaaji Gaydh iyo Xog-hayaha Dawlada hoose ee Gabiley oo aan ku hambalyeynayo intii ay hayeen xilkan waxqabadyada ay ku tallaabsadeen. Waxaanay kaga dhabeeyeen oo ay qayb ka tahay ballan qaadyadii uu Xisbiga KULMIYE hore ugu balan qaaday dadwaynaha ee ahaa in wax muuqda loo qabanayo.”

Md. Saylici, waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyada nabadgalyada iyo heerka ay Somaliland ku soo gaadhay, “Labaatankaa sanno ee Somaliland jirtay waxay halkaa ku soo gaadhay Nabadgalayo ay qaybaha kala duwan ee dadwaynuhu isla qaateen, waana ta keentay in Horumar intuu doono ha leekaadee lagu tallaabsaday. Dadwaynahana waxaan u soo jeedinayaa in ay dhinac uga soo wada jeestaan wixii carqalad galinaya Nnbadgalyada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi; “Halkan waxaan u imi in aan ka qaybgalo wax qabadka reer Gabiley ku tallabsadeen. Horumar ayuu caalamku ku tartamayaa, waxaanan ku hambalyeynayaa tartankaa ay u galeen in ay ka mid noqdaan degmooyinka horumarka ku tallaabsaday. Dhammaan gobolada Somaliland iyo degmooyinkiisa oo dhan kuma jiraan ruux dumar ahi marka laga reebo Gabiley, Gabileyna Khadri wax qabad ayey u muujisay, waanan ku hambalyeynayaa.

Horumarka, sharafta iyo nolashaba waxaa saldhig u ah nabad, hadii nabad la waayana nolol suurtogalaysaa ma jirto, waxaanan u mahadnaqayaa Abiib Diiriye oo hore u ballan qaaday imikana ballanqaaday in uu ka qaybqaadanayo wax ka qabashada arrimahaa Seemaal iyo sidii baadi goob loogu galayey cidii gaysatay dhibtaa.”

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Axmed Xaashi Oday oo xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in Gabilay noqonayso goob dalxiis oo dadku u nasasho tagaan, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi;“Gabiley waxay noqonaysaa Afgooyihii Xamar oo kale, markii aanu Muqdisho joognay Afgooye waxaa tagi jiray Kolba labadii qof iyo cid kasta oo muraado gaar ah leh, iyo qof kasta oo u baahan meel uu saacado ku nasto. Markaa maanta Gabiley waxay u noqonaysaa Hargaysa in kolba labadii qof ee muraad lihi yimaado, iyo kolba qofkii nasasho u baahani, waa meel dalxiiska ku fiican.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo iyana xafladaa ka hadashay, ayaa maayirka Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh ku hambalyeysay waxqabadka muuqda ee ay ku tallaabsatay mudadii ay xilka haysay, iyada oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaan hambalyeynayaa walaashay Khadra Xaaji Gaydh, waxaanan ku hambalyeynayaa waxqabadkaa muuqda ee ay ku tallaabsatay, waxa kale oo aniga oo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaa marxuumiintii dilka loogu gaystay Deegaanka Seemaal, qofkii waaxaa ku tallaabsadayna waxaa shacbiwaynaha ka codsanayaa in ay dawlada ka caawiyaan sidii gacan ku dhiiglayaasha gacan loogu soo qaban lahaa.”

Waxa kale oo isna halkaas hadal ka jeediyey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), kaasi oo yidhi; “Munaasibadan u maynu iman in aynu shacbiga reer Gabiley canaan u la nimaadno, munaasibadanina waa mid farxadeed oo wax qabad muujinaysa in aynu ku ammaano wax qabadka ay ku tallaabsadeen weeyi, ee maaha in aynu canaanano.”

Wasiirka Hawlaha Guud Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo isna halkaa ka hadlay ayaa si tilmaamay in cid kasta ay ku dhex jiraan dad sharwadayaal ah oo markasta dhibaato u taagan, isaga oo ku baaqay in bulshadu iska qabato cidii dhibaato u gaysanaya nabadda iyo wada noolaanshaha bulshadda dhexdeeda, waxaanu hambalyeeyey waxqabadka ka hirgalay magaalada Gabiley.

Maayarka Magaalada Gabiley oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in mashaariicdan ay ku tallaabsadeeni iyada iyo Maamulkeedu ee xafladii Furitaankeedana ay ka soo qaybgaleen Madaxwayne-ku-xigeenka iyo Wasiirada tirada intaa leeg iyo Madaxda Qaranka. Waxaanay ballanqaaday in mudada ay joogto kaga tagi doonto Gabiley taariikh.

Waxa kale oo Iyaguna halkaa ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Cuqaal tiro badan oo dhammaantood hambalyeeyey tallabooyinka horumarineed ee lagu tallaabsaday mudadii xukuumadani talada dalka haysay.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Gabiley being developed real fast

Post by The_Emperior5 »

[youtube]vr0ofMqDjg8#![/youtube]
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Gabiley being developed real fast

Post by The_Emperior5 »

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismeyaal ay Hirgalisay Dawlada Hoose ee Wajaale

Taliyaha Madaxtooyada Gen.Faysal Kaamil Ciise isagoo mahad naq balaadhan u soo jeediyey Gudoomiyaha Degmada Wajaale Daawo Sawiradda

Tog wajaale (Gns) Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo ay dawlada hoose ay ka hir galisay Degmada Tog wajaale waxaana xaflad baladhan oo xadhiga lagaga jarayo dhismayaal lagu kordhiyey Saldhiga booliska iyo Xarunta Dawlada Hoose lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawlada hoose waxaana ka soo qayb galay Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (C/laahi Black) Taliyaha Madaxtooyada General Faysal Kaamil Ciise , Taliyaha Qaybta ee Gobolka gabiley, Cuqaal , iyo Ganacsato.

Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xusseen Cige isagoo mahad naq balaadhan u soo jeediyey maamulka D/hoose ee hirgaliyey dhismahan oo magaalada u ah mihiim sidoo kale wuxuu sheegay in balan qaadkii uu madaxwaynuhu u balan qaaday magaalada wajaale la fulin doono bilawga sanadkan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Maanta munaasibadan aynu iskugu nimid waa munaasibad taariikhi ah gudoomiyaha laftiisana sharaf ayey u tahay oo dayn faro badan oo ay maamuladii ka horeeyay ay kaga tageen uu la rafanaayey wax qabadkan uu qabtay aniga wax wayn ayey ii tahay sadex rug bilays ah oo laba qol oo lagu kordhiyey saldhiga iyo sadex xafiis oo dawlada hoose lagu kordhiyey dawladan ahmed siilaanyo waa dawladii wax qabad ka ee maaha dawladii rubac qaadka ah qaadaysay waa dawladii horu marka ka shaqaynaysay lana dagaalamaysay musuq maasuqa dakhligan imika ay dawlada hoose hesho awalba wuu yaalay “

Waxa kale oo isaguna ka hadlay Taliyaha Madaxtooyada faysal Kaamil Ciise isagoo mahad naq balaadhan u soo jeediyey Gudoomiyaha Degmada Wajaale oo hirgaliyey dhismayaashan faraha badan ee maanta xadhiga laga jarayo sidoo kale wuxuu dadwaynaha iyo ganacsatada wajaale u soo jeediyey inay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay u horu marin lahaayeen magaalada wuxuuna yidhi “ aduunwaynaha horumaray waxay wax ku qabsadaan iskaa wax u qabso guud ahaan dalka waxaa ka socda hurumar, cashuurka dawlada hoose hadii la ilaaliyo adeegyada bulshada waa laga dhamays tiri karaa oo dariiqa isku xidha wajaale iyo kalabaydh ayaa hadii la xafido dakhliga la samayn karaa waxaanan bulshada reer wajaale ku boorinayaa inay gacmaha is qabsadaan oo ay dhan uga soo wada jeestaan sidii loo hurumarin lahaa magaalada .

Waxa kale oo isaguna ka hadlay Taliyaha qaybta Gobolka Gabiley Ismaciil Rashiid wuxuuna mahad naq balaadhan u soo jeediyey gudoomiyaha Degmada wajaale oo hir galiyay dhismahan uu ku kordhiyey xafiiska D/hoose iyo Saldhiga oo uu ku kordhiyey laba qol iyo sadex goobood oo uu booliska rugo uga sameeyay sidoo kale wuxuu sheegay in baahi wayn saldhigu u qabay guryahan oo ayna markii hore jirin meel lagu xidho haweenka isla markaana ay askartu dhibaato ku qabeen .

Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Xaashi Maxamuud Cab di ayaa sheegay in uu u mahad naqayo Dadwaynaha wajaale iyo shaqaalaha D/hoose oo hadii ayna la shaqayn ayna u suurta gasheen in ay hir galiyaan mashaaricad horumarineed isla markaana ayna baahiyaadka degmadu ahayn intan oo kaliya ayna ku da,adaali doonaan intii karankooda ah inay dhamays tiraan.

Mustafe sh.abibakar Xuseen oo ka mid ah dhalinyarta wajaale ayaa sheegay in maamuladii hore ay da,ayn lacag ah lakala wareegi jireen lakiin Maamulkan hada jiraa ayna wax dayn ah inagu wareejinayn isagoo sheegay in maamulkan mudadii hore ay la tacaalayeen sidii danyntii ay maamulkii ka horeeyey ay kaga tageen u bixin lahaayeen isagoo maamulkani uu soo celiyey dhul dan guud ahaa oo ay maamulkii hore u siiyeen dad lacag ku lahaa dawlada hoose oo ay maamulkani lacagtii bixiyeen dhulkiina soo celiyeen sidoo kale wuxu sheegay in lacagta daynta ah ee uu maamulkani dhaxlay ay ahayd jaad iyo raashin hotelada laga qaba , ay guul iyo sumcad u tahay maanta mashaariicadan maamulka hada jooga.

Waxa kale oo iyaguna ka hadlay odoyaal iyo ganacsato oo dhamaantood mahad naq balaadhan u soo jeediyey maamulka dawlada hoose oo hirgaliyey dhismayaal fara badan oo lagu kordhiyey xarunta dawlada hoose, saldhiga ,kawaanka Xoolaha , iyo sariimada iyagoo sheegay in intii ay ku noolaayeen abid ay tahay markii ugu horaysay ee ay dawlada hoose ka hirgalisay magaalada mashaariic noocan oo kale ah
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Gabiley being developed real fast

Post by The_Emperior5 »

Image

Image

Image

Image

Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”