15 new parties made the cut and paid 25-thousand dollars each to enter the political arena. These 15 newly created parties would undergo further examination to check their worthiness as its highlighted in the article below. This could mean or result for that matter in few of the 15 not making the cut in the second round. If that happens and some of the parties get tossed out, what happens to the 25-thousand dollars they have paid?
Would they get back their money or there would be no refund?

Khamiis, December 29, 2011 (HOL)- Guddoomiyaha guddida Diiwaangelinta ayaa sheegay in 15 urur siyaasadeed ay si rasmiya isku diiwaangeliyeen, isla markaana ay bixiyeen cashuurtii Diiwaangelinta ee laga rabay, soona celiyey Foomkii Diiwaangelinta..
Guddoomiyaha Diiwaangelinta ururada siyaasada Mr: Cabdirisaaq Jaamac Ciyaale ayaa sheegay in mudadii loo qabtay wakhtigii la diiwaangelin lahaa oo ku eekeed 28 bishan December ee 2011, isla markaana aan la ogolaan doonin urur dambe oo sheegtay inuu urur siyaasadeed yahay oo aan ahayn 15 kan urur ee la diiwaangeliyey.
“waxaan cadaynaynaa in shalay oo bishu tahay 28, December, soo gabogabowday wakhtigii loogu talogalay diiwaangelinta ururada siyaasadeed ee Somaliland” ayuu yidhi guddoomiyaha diiwaangelinta ururada Siyaasadda, waxaanu intaas ku daray in ururada fursada u helay in la diiwaangeliyo ay ka kooban yihiin 15 urur siyaasadeed “ ururada fursad u helay inay is diiwaangeliyaan waxay ka kooban yihiin 15 urur, oo kala ah WADANI, DALSAN, UDHIS, NASIYE, NDB, UMMADDA, GURMAD, JUMHUURI, DAMAL, BADBAADO, HORYAAL, RAYS, SSCD, XAQSOORE, NUUR ayaa fursad u helay inay isku diiwaangeliyaan ururo siyaasadeed oo cusub” ayuu yidhi guddoomiyaha guddida Diiwaangelinta.
Guddoomiyuhu waxa uu madaxweynaha ku wargaliyey in aan urur siyaasadeed aan 15 kan ka mid ahayni ka hawlgali Karin dalka, maadaama oo ay mudadii diiwaangelintu xidhantay.
Guddidan ayaa sheegay in la gali doono marxaladii labaad oo ah in la qiimeeyo, isla markaana ay buuxin doonaan shuurado kale oo looga baahan yahay inay ururada siyaasadu buuxiyaan, waxaana ururada ka gudbo marxalada labaad la siin doonaa shahaado ay muddo lix bilood ah ay ku hawlgali doonaan, dhaqdhaqaaqna ku samayn karaan.
Shan iyo tobankan urur Siyaasadeed ayaa midkiiba buuxiyey shuruudii koowaad oo ah inay bixiyaan cashuurta urur siyaasadeedka lagu diiwaangelinayo oo ah $25,000 ( shan iyo labaatan kun oo dolar) midkiiba, waxaanay dhamaantood bixiyeen cashuurtaas diiwaangelinta, waxaana la gali doonaa wajigii labaad ee lagu qiimaynayey ururadan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland.