Boosaaso:-Wasiirka Amniga Puntland oo maanta waraysi siiyay Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA laanta Afsoomaaliga ayaa waxa uu sheegay in ay hayaan ragii dilay Allaha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo intoodii badnayd ay gacanta ku soo dhigeen.
Khaliif Ciise Mudan Wasiirka Amniga Puntland ayaa waxa uu sheegay ay hayaan 7 nin oo isugu jira reer Puntland iyo kuwo ka yimid gobolada kale ee Soomaaliya oo qaarkood ay qirteen in ay dileen Sheekh Axmed waxaana uu sheegay in ay wali ku raad-joogaan tiro kale oo iyana illa 2-3 ah ayna rajaynayaan in ay dhawaan soo qabtaan.
Raga la qabtay ayuu sheegay in ay qaarna qirteen qaarna isku markhaanti fureen oo isaga sheegeen, wuxuuna sheegay in dhawaan Maxkamad la soo hortaagi doono.
Allaha u naxariistee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ahaa nin aqoonyahan ah oo Sheekh wayn ah oo aad loo jecel yahay, dhammaan Ummadda Soomaliyeed iyo kuwo kale oo Muslimiin ah ayaa ka naxay dilkiisa.
Culimada Puntland oo aad iyo aad uga murugooday Sheekhan oo ahaa Nin Saciim ah oo akhlaaq, dabeecad, waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan lahaa, waxayna Alle aad uga tuugeen in uu fashiliyo kuwoo dilay iyo kuwii ka dambeeyayba
It is indeed good news that the criminals were caught!
It is a trademark of Al-Shabab to blind the society by targeting and assisinating people with knowledge, that Alshabab sees as a threat to the nonsense they are promoting.