New political rift between Somaliland and Ethiopia
Posted: Sat Dec 31, 2011 11:25 am
Dowladda Itoobiya Iyo xukuumada Somaliland Oo Khilaaaf Xoogan Soo Kala Dhexgalay
Dec 30, 2011 Hargeysa(Cadceed) – Dowladda Itoobiya iyo maamulka Somalind ayaa haatan waxaa soo kala dhexgalay khilaaf xoogan ka dib markii la isku afgaran waayey in dowladda Itoobiya ay alaabada kala soo degto dekadda magaalada Berbera oo ay dawlada Somaliland shuruudo ku xidheen, halka ay dowladda Itoobiya arrinkaasi ka soo horjeesatay.
Qunsulka Itoobiya u fadhiya maamulka Somaliland Berhe ayaa shalay u kala diray Wasaaradadaha maaliyadda, arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga iyo Maamulka Dekedda Berbera qoraal uu kaga ashkatoonayo wasaaradda maaliyadda oo ganacsatada Itoobiyaanka ah ee badeecooyinka Transit-ka ah ka soo dejiya dekadda Berbera ku soo rogtay cashuur aan sharci aheyn sida uu sheegay, kuwaas oo ay alaabooyinkoodii xayiran yihiin ilaa horaantii bishan.
Qunsulku qoraalka waxa uu ku sheegay inaanay Xukuumadda Somaliland waajib ugu laheyn ganacsatada Itoobiya inay ka qaado cashuurta, isagoo sheegay inay nidaam sharci ah ku socdaan, isla marakaasna aysan qaadi karin in Somaliland-na ka cashuurto Itoobiyana markale, waxaanau qoraalka uu u kala diray u dhignaa sidan:-
“Qunsulka guud ee dowladda Itoobiya waxa uu amaan u jeedinayaa wasaaradda Maaliyadda Somaliland sida sharafta leh ee ay ugu soo wargelisay amarka dambe ee ah dhibaatada ay bilihii u dambeeyay ee ganacsatada Itoobiyaanka ah iyo shirkadaha kale ee gaarka loo leeyahay ee badeecadaha ka soo dejiya kana dhoofiya Dekedda Berbera ay kala kulmeen markii ay isku dayeen inay kala baxaan dekedda Berbera alaabahooda kaga soo dega nidaamka Transit-ka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.
“Barigii hore ganacsatada Itoobiyaanka ahi alaabahooda Transit-ka ah waxay kastamka Wajaale ka gudbin jireen iyadoo aysan jirin cashuuro ku waajibay marka laga reebo adeegyada Dekadda mooyee, maan jeclaysan marka laga yimaado tii hore in laga cashuuro alaabaha Transit-ka ku ah dekedda Berbera ee laga doonayo, tani waa mas’uuliyad aan loo baahneyn in laba jeer ay cashuur bixiyaan marka ay alaabo Transit ah la soo degayaan iyagoo haddana cashuur kale siinaya wasaaradda arriamaha gudaha iyo kastamyadda ee dowladda Federalka Itoobiya” ayaa lagu yiri markale warka.
Sidaas daraadeed Qunsulka guud waxa uu si Naxariis leh uga codsanayaa wasaaradda maaliyadda Somaliland inay kala saarto ganacsatada gaarka ah ee Itoobiya ee alaabaha keena dekedda Berbera ee heysta sharciga Itoobiya iyo kuwa caalamiga ah iyo kuwa aan haysan iyo kuwa Somalilanderka ah ee ay ku waajibeen bixinta Cashuuruhu, qunsulka guud ee dowladda Itoobiya isagoo ka faa’iidaysanaya fursadan waxa uu cusboonaysiinayaa Qadarinta iyo balanqaadka uu u hayo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa lagu yiri warka qoraalka oo si aad ah u dheeraa.
Cabashada dowladda Itoobiya iyo Ganacsatadeeda ayaa soo shaac baxday 7/12/2011 ka dib markii uu qoraal u soo diray maamulaha kastamka dekadda Berbera Cali Axmed Bulbul agaasimaha waaxda Kastamada ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Maxamud kaas oo uu ku wargalinayey inay badeecooyin badan oo ay leedahay ganacsato Itoobiyaan ah oo isugu jira Gaadiid iyo alaabo kaleba yaalaan kuwaas oo soo badanaya isla markaasna aan ku jirin heshiiskii Berbera Corridor ee ay labada labada dhinac.
Sida aad ka warqabto baabuurta iyo badeecadaha gaarka loo leeyahay ee u gudbaya Ethiopia kuma jiraan heshiiskii dhex maray Ethiopia iyo Somaliland ee loo yaqaanay {Berbera Corri-dor}, sidaas awgeed, iyadoo baabuur iyo badeecooyin u socda Ethiopia ee yaala dekeda, maalin walbana imanaya, waxaa lagama maarmaan ah in go’aan kama danbeys ah laga qaado iyo habka loogu dhaqmi lahaa si deg deg ahna loo soo xaliyo arrintana