Badhan,Jan 1 -Ciidamada amaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ku raad jooga nin hubaysan oo 29-kii bishii December ee sanadkii tagay 2011 kii falal isugu jira dil iyo dhaawac ugu gaystay gudaha degmadaasi laba qof oo ahaa dad shacab ah.
Duqa degmada Badhan ee gobolka Sanaag Cabdirisaaq Axmed Ciise oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay inay socdaan howlgallo balaaran oo ay ciidamada amaanka ee degmada Badhan kusoo qabanayaan gacan ku dhiiglaha falalka isugu jira dilka iyo dhaawaca ka gaystay magaalada Badhan.
Waxaa uu sheegay gudoomiyuhu ninka dilka gaystay inuu dhoor maalmood uu joogay magaalada Badhan islamarkaana uu kasoo galay deegaan xeebeedka Laasqoray ee isla gobolka Sanaag,isagoona sheegay dilka inuu yimid ka gadaal markii muran uu dhexmaray ninka geeriyooday iyo ninka dilka gaystay,waxaana uu ka gaabsaday gudoomiyuhu inuu faahfaahin ka bixiyo waxa uu salku ku hayay muranka keenay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhacay degmada Badhan.
Gudoomiyaha degmada Badhan Cabdirisaaq Axmed Ciise ayaa dhinaca kale sheegay xaaladda amaan ee degmadu inay xiligaan tahay mid dagan,islamarkaana beelaha ay kasoo kala jeedaan gacan ku dhiiglihii dilka gaystay iyo ninkii la dilay ay si nabadgalyo ay arintan isugu afgarteen in la dhameeyo,si'aysan u keenin isku dhacyo dhexmara labada beelood.
Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso
Booliska Badhan oo ku raad jooga gacan dad shacab ah gaystay
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 768 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 7 Replies
- 663 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 2 Replies
- 445 Views
-
Last post by Wareer
-
- 2 Replies
- 318 Views
-
Last post by Reer Burao
-
- 17 Replies
- 1199 Views
-
Last post by zingii
-
- 5 Replies
- 615 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 6 Replies
- 982 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 9 Replies
- 1328 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 3 Replies
- 456 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 298 Views
-
Last post by Goljano Lion