Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntland

Post by quark »

Garowe(Pi) Xukuumada hada talada haysa Puntland ee ay hormuudka ka yihiin Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Sheikh M.M Faroole iyo kuxigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire ayaa sadex sano jirsan doonta 8 bishaan janaayo ee sanadkaan, Golaha Wasiirada ee Xukuumada ayaa ahaa kuwo soo maray marxalo kala duwan sadexdaas sano.



Wasiirada qaar way ku guulaysteen shaqadooda halka qaar badan ay ka muuqatay daldaloolyo waxqabad la’aan, tasoo marmarka qaar dhalisa eedeymo ka imaanaya shacabka iyo Mucaaradka.

Xogo aad ugu dhow Madaxtooyada ayaa noo sheegey in xiligii xukuumadu ay cusbayd ilaa labadiis sano ee ugu dambaysay ay Madaxweynaha ku adkayd inuu helo Wasiirka saxda ah ee kasoo bixi kara xilka loo magacaabo, tasoo dhowr jeer keentay inuu Madaxweynuhu shaqada ka eryo dhowr wasiir isagoo isla markaasna magacaabay kuwo cusub si Dowladu u gaarto waxyaabaha ay tiigsanayso ama ugu guulaysato qorshayaasha dowlada.

Dhamaadkii bishii Oktoobar ee sanadkii hada lasoo dhaafay ayaa Madaxweyne Faroole wuxuu khudbad dheer ka jeediyayay furitaankii kalfadhigii golaha Baarlamaanka Puntland isagoo digniin u diray wasiirada aan shaqadooda gudan.

Hadaba Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com heshay ayaa noo xaqiijiyey in dhowaan isbadal wayn lagu samayn doono golaha Wasiirada, Wuxuuna Madaxweynuhu soo wadaa Wasiiro cusub oo u badan dhalinyaro, waxaana shaqadooda waayi doona Dhowr Wasiir, isbadalkaan Cusub ee lagu samaynayo wasiirada waxaa lafilayaa todobaadyada soo socda.

Isbadalkaan cusub ee Golaha Wasiiradu wuxuu noqon doonaa mid kusalaysan Xirfad iyo Karti ee manoqon doonaan kuwo ku salaysan hababkii hore ee Wasiirada lagusoo xuli jirey.

Isbadlkaan cusub ee uu soo wado Madaxweyne Faroole ayaa ah mid la doonayo inay Dowladu tiigsato Qorshe balaaran oo sare loogu qaadayo waxqabadka Dowlada xiliga yar ee u harsan,Sida aan xogta ku helnay waxay Xukuumadu kaalinta kowaaad saaraysaa sanadkaan wax ka qabadka Amaanka, dhismaha Wadooyinka, horumarinta reer Miyiga (Xoolaha, Beeraha iyo Biyaha), Ganacsiga.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntl

Post by quark »

i hope they retain the ministers of health and education :up:
Niya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2955
Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.

Re: Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntl

Post by Niya »

^ And Minister for Women and Family Affairs. She is one of the most effective ministers.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntl

Post by udun »

Insha-Allah Alle shaqadooda waa u fududayn.
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntl

Post by quark »

Niya wrote:^ And Minister for Women and Family Affairs. She is one of the most effective ministers.
:up:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntl

Post by FBISOMALIA »

same goes to the ministry of the finical :up:
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntl

Post by damu »

FBISOMALIA wrote:same goes to the ministry of the finical :up:
is it because he is cali salebaan :mrgreen:
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntl

Post by FBISOMALIA »

damu wrote:
FBISOMALIA wrote:same goes to the ministry of the finical :up:
is it because he is cali salebaan :mrgreen:
its because that faroole is his brother in law , warya we are puntlanders and PL money comes from us so be quiet :lol: :lol: :lol:
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Wajiyo cusub oo kusoo biiri doona golaha Wasiirada Puntl

Post by quark »

FBISOMALIA wrote:
damu wrote:
FBISOMALIA wrote:same goes to the ministry of the finical :up:
is it because he is cali salebaan :mrgreen:
its because that faroole is his brother in law , warya we are puntlanders and PL money comes from us so be quiet :lol: :lol: :lol:
:lol: :lol: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”