Bosaso,Jan 02 – Waxgarad kasoo jeeda degmooyinka Caluula iyo Baargaal oo katirsan gobolka Bari ayaa maanta kulan balaaran la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Puntland.
Kulanka oo lagu qabtay Guriga Gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa looga hadlay sugida amaanka iyo sidii bulshada deegaankaasi gacan uga gaysan lahaayeen mashaariic dowladda Puntland ay sheegtay inay ka fulin doonto deegmooyinka Baargaal iyo Caluula.
Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax,gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide,Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo katirsan baarlamaanka Puntland,xubno katirsan golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Ugaas Axmed Xaaji Faarax oo ka mid ah isimada kasoo jeeda degmada Caluula.
Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo waraysi siiyay warbaahinta Daljir markii uu kulanku soo dhamaaday ayaa waxaa uu sheegay,kulanka in la isku afgartay dhamaan qodobadii looga hadlay ee ahaa amaanka iyo hormarinta deegaanka.
Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo la weydiiyay qaabka maamulka Puntland uu mashaariic uu uga fulin karo deegaanada Baargaal iyo Caluula xilli siyaasiyiin kasoo jeeda degmooyinkaasi ay ku dhawaaqeen maamul ka madaxbanaan dowladda Puntland ayaa waxaa uu ku jawaabay.
"Siyaasiyiinta aniga ayaa ka mid ah oo ugu horeeya raga kasoo jeeda deegaanadaasi,waxaana joogay mudo bil ka badan,shacabka reer Puntland waa u sheegay dadka iyo dhulku inay yihiin Puntland,mana jiraan maamul ka baxsan dowladda Puntland oo ka jira deeganada Caluula iyo Baargaal"ayuu yiri wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo intaasi raaciyay inay jiri karaan wax qabad la'aan deegaanadaasi,bale waxaa uu hoosta ka xariiqay deegaano badan oo ka baxsan laamiga inay ka jirto wax qabad la'aan taasi oo ay ugu wayntahay dowladda oo awood badan aan u lahayn inay daboosho baahiyaha guud ee deegaanada ka baxsan laamiga.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda degmooyinka Baargaal iyo Caluula ay sheegeen inay deegaanadaasi uga dhawaaqayn maamul loogu magacdaray Casayrland islamarkaana ka madaxbanaan dowladda Puntland.
Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.
Pl iyo waxgaradka Caluula & Baargaal kulan yeeshay Boosasso
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Pl iyo waxgaradka Caluula & Baargaal kulan yeeshay Boosa
Minister of agriculture pro maxamuud xaaji have done a great job implementing projects in eastern bari and baargaal district i welcome his move to bring together siwaaqroon leaders to work on building their deegaans 

-
- SomaliNet Super
- Posts: 7820
- Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
- Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug
Re: Pl iyo waxgaradka Caluula & Baargaal kulan yeeshay Boosa
damu wrote:Minister of agriculture pro maxamuud xaaji have done a great job implementing projects in eastern bari and baargaal district i welcome his move to bring together siwaaqroon leaders to work on building their deegaans

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 574 Views
-
Last post by Murax
-
- 6 Replies
- 1039 Views
-
Last post by Xamud.
-
- 1 Replies
- 307 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 5 Replies
- 566 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 6 Replies
- 87 Views
-
Last post by NoAngst.
-
- 0 Replies
- 395 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 3 Replies
- 194 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 17 Replies
- 926 Views
-
Last post by smooth