Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya oo maanta dalka ugu soo laabtay ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya guulaha ay ka soo hooyeen dagaalladii ay la galeen kooxda shabaab isagoo dhanka kalena ugu baaqay mudaneyaasha baarlamanka in khilaafadka u dhexeeya ay ku xalliyaan qaab nabad ah.
Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqo Wasiirkii hore ee Wasaaradda gaashaandhiga ahaana R/wasaare ku xigeen oo barqanimadii maanta dib ugu soo laabtay Dalka ayaa ka hadlay arimo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaan horumarradii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada qalabka sida ka gaareen dagaalladii ay Gobollada dalka qaarkood kula galeen maleeshiyaadka kooxda shabaab.
Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi ayaa waxaa garoonka Aaden Cadde ku soo dhoweeyay Xubno ay iskala tirsanaayen xukuumaddii uu hogaaminayay R/wasaare Maxamed C/laahi “farmaajo”, Xildhibaanno, Saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay guulaha ay gaareen ciidamada waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay in ay sii socdaan howlgalladaasi lagu soo afjarayo haraadiga kooxda shabaab.
Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Wasiirkii hore ee difaaca Xukuumaddii R/wasaare “farmaajo” ayaa dhanka kale ka hadlay muranka iyo isqab qabsiga ka dhex jira mudaneyaasha baarlamanka waxa uuna ka dalbaday in ay qaab siyaasadeesan oo nabadgelyo ah ku xalliyaan khilaafaadka u dhexeeya isagoo farta ku fiiqay in khilaaf uusan dan ugu jirin qaranka loona baahanyahay in dhibaatada laga samata bixiyo ummadda.
Imaashaha wasiirkii hore ee difaaca Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamada qalabka sida bilaabeen howlgalladii ugu dambeeyay ee dalka oo dhan looga sifeynayo Haraadiga Kooxda Shabaab islamarkaana goobo farabadan ay xureeyeen Ciidamada XDS.