
Xildhibaannadii Xilka ka qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa guddoomiye u doortay Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.
Xildhibaannada doortay Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxay ku shireen Xarunta Golaha Baarlamaanka, waxaaney xildhibaannada kulankaas ka soo xaadiray ay dhammaayeen 287 mudane.
Wariyaheena magaalada Muqdisho ayaa soo sheegay in doorashada guddoomiyenimada Baarlamaanka ee Madoobe Nuunow lagu doortay ay isu sharaxeen lix mudane oo kala ah:
Madoobe Nuunow Maxamed
Maxamed Macallin Yaxye
Sheekh Nuur Cali Aadan
Cali Sheekh C/llaahi Afgooye
Xuseen Cusmaan Xuseen iyo
C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen)
Waxaase intii aysan doorashada billaaban ka tanaasulay doorashada Xildhibaan C/casiis Maxamed Xasan (Lafta-gareen), sidaasna waxaa isugu soo hary 5 Xildhibaan oo tartanka doorashada ay u bilaabatay.
Doorashadii ayaa bilaabatay 4tii galabnimo, iyadoo soo gebagebowday 6:30-kii fiidnimo, waxayna mudanayaasha codadkooda ku ridayeen 3 sanduuq oo goobta codbixinta la soo dhigay, iyadoo ammaankana ay sugayeen Ciidamada Amisom ee guud ahaan ilaaliya ammaanka dowladda Soomaaliya.
Wareeggii koowaad markii uu soo dhammaaday ee codadkii la tiriyay ayaa waxay natiijadii noqotay in musharixiinta tartamayay ugu codad badnaaday Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo helay 130 cod, halka Xildhibaankii ku soo xigay oo ahaa Maxamed Macallin Yaxye uu helay 63 cod. Halkaas markii xaal taagan yahay ayaa waxaa la galay showr aakhirkii keenay in ay tanaasulaan afartii xildhibaan ee Madoobe Nuunow codad ahaanta ka hooseeyay, waxaana sidaas wareeggii koowaad ugu guuleystay Madoobe Nuunow oo Xildhibaannadii xilka ka qaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan ay u doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in kulankan lagu doortay Madoobe Nuunow Maxamed uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble Casoowe.
Madoobe Nuunow Maxamed ayaa markii loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu jeediyay hadal kooban wuxuuna sheegay in uu ku shaqeyn doono Axdiga u degsan Dowladda Soomaaliya iyo soo jeedinta mudanayaasha Baarlamaanka, wuxuuna madasha ka caddeeyay saacadaha soo socda uu tababarro dibadda ah u diri doono Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uusan sheegin dalalka ay tababarka u aadayaan. Gunaanadkii shirka waxaa Madoobe Nuunow lagu qaaday Gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Amisom ee inta badan lagu qaado madaxda Dowladda Soomaaliya.
Doorashada ay sameeyeen mudanayaashan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo aanan ilaa iyo haatan waxba ka oran doorashadan, inkastoo madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlay xil-ka-qaadistii Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu sheegay in xil-ka-qaadistaas ay ahayd mid baadil oo aanan sharciga waafaqsaneyn.
Waxaa la eegi doonaa tallaabadan tan xigta oo ay qaadaan Xildhibaannadan Guddoomiyaha Baarlamaan doortay, kuwa ka soo horjeeda iyo madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo xal-u-heli waayay in ay xakameeyaan xildhibaannada tirada badan ee la soo sheego in ay ku dagaaallamaan gudaha xarunta golaha shacabka iyagoo isku haya “Shariif Xasan Guddoomiye Baarlamaan wuu yahay iyo ma ahan”.
La soco wixii ku soo kordha fowdada siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Soomaaliya