Culimada Al-ictisaam oo uu ka tirsanaa sheekhii dhowaan magaalada Boosaaso lagu diley ee Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan ayaa kulamo ay dhowrkii habeen ee tegey magaalada Boosaaso ku qabteen ku dhaliilay Jihaadka Al-shabaab iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid fidmo ah islamarkaana diinta aan wax raad ah ku lahayn.
Nedwo 3-habeen socotey oo caawa soo gaba gabowdey islamarkaana ay Culimo 5-gaarayaa ka qayb qaateen ayaa gebi ahaanteedba ahayd mid looga hadlayey dagaalka ay Shabaabku Soomaaliya ka wadaan, qaabkii uu kusoo bilowday, Diintu waxa ay ka qabto iyo arimo kale oo badan.
Culimada Nedwadaas ka qayb qaatay oo iyagu 3-dii habeen ee ay socotey khudbado dhaadheer oo ay arimahaas kaga hadlayeen kasoo jeediyey ayaa kala ah:
Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax.
Shee Dahair Aw-cabdi.
Sheekh Fu’aad Maxamuud Nuur.
Sheekh Axmed-daahir.
iyo Sheekh Axmed Cabdisamed.
Cinwaanada Nedwada oo midba uu midka kale ka xasaasi sanaa ayaa waxa ugu darnaa kii caawa baxay oo ahaa ” Dhimrinta diinta Islaamka” ayna ku qornaayeen 2-da Sheekh ee kala ah Sheekh Axmed Cabdisamed iyo Sheekh Daahir Aw-cabdi.
Sheekh Daahir Aw-cabdi oo qaybta hore lahaa ayaa aad ugu dheeraaday sida ay diinta Islaamku u tahay mid dhimrin badan, cadaadiska iyo muquunintuna aysan qayb uga ahayn iyo weliba in dabacsanaanta iyo naseexada wanaagsani ay yihiin waxa ay diinta Islaamku ku fiday, dacwada saxda ahina ay ummada Soomaaliyeed oo 20-sano kahor diintu ku yarayd sidaas ku wada gaartey.
Sheekha oo mararka qaar aad u qiiroonayey indhihiisana ay ilmo kusoo joogsaneysey ayaa sidoo kale ka sheekeeyey taariikhda qaar kamid ah madaxda sare ee xarakada Al-shabaab, wuxuuna dhinaca kale ku booriyey dadka deegaanka gaar ahaan dadka degen gobolka Bari inay meel uga soo wada jeestaan sidii ay isaga qaban lahaayeen Al-shabaab oo uu ku tilmaamay in Jihaadkooda uu lamid yahay kii Khawaarijta.
Sheekh Axmed Cabdisamed oo isna qaybta danbe lahaa ayaa ku dheeraaday islamarkaana faah faahiyey qaabka ay u shaqeyso qaybta amniyaadka ee Al-shabaab iyo weliba qaabka lagu soo xulo dadka ka midka noqonaya isagoo xusay in aad loo cabsi geliyo islamarkaana laga faa’iideysto dadka ay dhibaatooyinka nafsiga ahi haystaan iyo dadka uu caqligoodu dhantaalan yahay waa sida uu sheekhu hadalka u dhigaye.
Sheekh Axmed Cabdisamed oo arimo badan ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabka gaar ahaan qaybta amniyaadku ay yihiin koox dad ah oo aad isugu xiran ayna adag tahay in layska qabto hadii aan si mideysan loo wajahin, wuxuuna Sheekhu ku baaqay in la qabto kulan balaaran oo ay isugu imaanayaan maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si looga arinsado sidii loo kala fur furi lahaa Al-shabaab loona yareyn lahaa khataro badan oo uu sheekhu sheegay inay dhankooda kasoo socdaan.
Hadalada Culimadu ay xiritaanka Nedwadii mudada 3-da habeen ah Masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso ka socotey ka jeediyeen aad ayey u dheeraayeen, waxayna kusoo hadal qaadeen arimo aad u tira badan islamar ahaantaana aan qoraal lagu soo koobi karin.
Sidaas darteed Horseed Media waxay idiin balan qaadaysaa in saacadaha soo socda ay idiin soo gudbiso Khudbadihii ay labada Sheekh caawa jeediyeen oo dhamaystiran.
Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisada
Moderator: Moderators
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisada
Last edited by damu on Sun Jan 08, 2012 12:21 pm, edited 1 time in total.
- SheikhExecutive
- SomaliNetizen
- Posts: 509
- Joined: Wed Jan 04, 2012 8:27 am
- Location: Khaatumo State of Somalia
Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad
What is Al-ictisaam?
Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad

Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad
Who are teh "Al-Ictisaam'?
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: Culimada Al-ictisaam : waa in lala dagaalamo argagixisad
al- ictisaam was the oldest islamic militant movement in PL 1993 ama 1994 ,after their defeated by AY they worked as scholars in PLAmilla wrote:Who are teh "Al-Ictisaam'?
for your info ayweeys hutu was one of them before going back to xamar


------------------------------------------------
really its good news if they willing to fight alshabab but the question would they be under PL or separate ...!!!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 590 Views
-
Last post by ina Warfaa
-
- 0 Replies
- 340 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 13 Replies
- 1326 Views
-
Last post by LeJusticier
-
- 1 Replies
- 446 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 539 Views
-
Last post by hanqadh
-
- 8 Replies
- 638 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 20 Replies
- 1664 Views
-
Last post by Salaxbaashe
-
- 1 Replies
- 327 Views
-
Last post by Moguul21
-
- 1 Replies
- 461 Views
-
Last post by JSL3000
-
- 2 Replies
- 320 Views
-
Last post by JaalleMarx