Shir beeleedka magaalada Taleex ayaa goostay in uu dhiso maamul goboleed ka taliya Sool, Sanaag iyo Cayn.
Af hayeenka shirka, Adan Cabdullahi Shuuriye, ayaa BBC u sheegay in maamulkaasi uu ahaan doono mid hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Dhulka la tilmaamayo waa gobolka Sool, qeyb ka mid ah Sanaag iyo qeyb ka mid ah Togdheer.
Arrintaasi hadday hirgasho waxay wax dhaawici kartaa rajada Somaliland ee ah in loo aqoonsado dal madax bannaan oo soohdimihiisa ka taliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Maxamed Nur Carraale, ayaa BBC u sheegay in hadalkana uu yahay wax afka laga yiri laakiin aan la fulin karin.
Wasiirku wuxuu qiray in dadweynaha degaankaasi wixii ay goostaan ay ayagu xaq u leeyihiin. Hase yeeshee, wuxuu shaki geliyay in dadweynaha degaankaasi ay sidaa qabaan.
Wuxuu u ekeysiiyay Wasiirku in dadka shirka Taleex horkacayaa ay yihiin dad dibadda ka yimid marka shirku dhammaadana dibadda ku laaban doona.
Shirka ayaa waxaa ka dhex muuqda dad haween u badan oo hawan calanka Soomaaliya.
Sidaas ay tahay, waxaa isaguna aan shirka ku qanacsaneyn maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, oo isagu sheegta in Sool, Sanaag-bari iyo Cayn ay isaga hoos yimaadaan, inkasta oo aan ciidankiisu ka talin.
Si kastaba ha ahaatee, ma sahlanaan doono in maamul mideysan uu ka hirgalo gobolladaas, haddii si uun is af garad aan loola gaarin labada maamul ee la deriska ah ee labaduba ka biyo diiddan tallaabadan shirku ku dhaqaaqay, ee awalba la filayay.
-------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Welcome the New Federal State of SSC


http://www.bbc.co.uk/somali/war/2012/01 ... xssc.shtml