Wafdi Ka socda Bankiga Islaamka oo Gaalkacayo Soo Gaaray

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wafdi Ka socda Bankiga Islaamka oo Gaalkacayo Soo Gaaray

Post by FBISOMALIA »

Image

Waxaa Galabta lagu soo dhaweeyay garoonka dayuurada magaalada Gaalkacyo wafdi balaaran oo ka socda bangiga islaamka qaybtiisa gargaarka .

Waddigan ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha gobalka mudug maxamed yuusuf, duqa degmada Gaalkacyo Saciid Cabdi Faarax ,iyo wasiirka caafimaadka puntland mudane Cali Cabdulaahi Warsame iyo qaar kamid bulshada gobalka mudug oo soo dhaweyn heer sare ku soo dhaweeyay wafdigaan.

Wafdigan markii uu soo gaaray magaalada gaalkacyo waxay isla markiiba ay tageen xaruntii loo diyaariyay in ay ku soo dagaan,waxayna kulan kooban kula yeeshaan maaamulka gobalka Mudug iyo wasiirka caafimaadka puntland .

Duqa degmada Gaalkacyo mudane Saciid Cabdi Faarax ayaa ugu horaytii ka hadlay soo dhaweynta wafdigan ka socda bangiga islaama waxaana duqu uu uga mahad celiyay bangiga islaamka sida wanaagsan ee ay ugu soo gormadeen dadkii soolaiyeed ee ay aafaeysay abaartii ku dhufatay kuunfurta soomaliya,

Mudane saciid ayaa sidoo kale ugu baaqay bangiga islaamka in ay san ka daalin caawimaada ay u hayaan walalahooda islaamka ah ayna waajib ku tahay qofwalba oo islaam ah in uu caawiyo dadka muslimiinta ah ee itaalka daran.

Wasiirka caafimaadka dawlada puntland mudane Cali Cabdulahi Warsame oo ka hadlay soo dhaweyntii wafdiga ayaa aad ugu hanbalyeyay bangiga islaamka iyo gargaarkiisa soomaliya isagona sheegay in bangigu uu kaalin buuxda ka qaatay samata bixintii dadkii ay abaaruhu ku dhufteen sanadkii aynu soo dhaafnay.

Image

Waxaa sidoo kale wasiirku uu ka hadlay shaqooyinka gargaarka ah ee uu doonayo bangiga islaamku in uu ka qabto deegaanada puntland isagoo tilmaamay in ay wadaan gargaar la gaarsiin doono dadka tabaalaysan iyo mashaariic kale oo hormarineed.

Godoomiyaha gobolka mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) oo gabagabadii soo dhaweynti hadal kooban ka soo jeediyay ayaa waxaa uu aad u amaanay hawsha ay wadaan bangiga islaamka ee ku aadan taakulaynta dadka tabarta daran iyo mashaariicda ay ka fuliyeen gudaha soomaliya.

Sidoo kale gudoomiyahu waxaa u kaga warbixiyay xaalada dadka barakacayaasha ee ku dhaqan gobalka mudug isagoo sheegay in wafdigaan uu gayndoono xeryaha qaxootiga ee ku yaala magaalada Gaalkacyo

Ugu danbaytii wafdigan ka socday bangiga islaamka qaybtiisa gargaarka waxay balan qaadeen in ay kormeeri doonaan xeryaha qaxootiga ee ku yaala magaalada gaalkacyi isla markaana ay xog rasmi ah ka qaadan doonaan maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo ,

Wafdigan ayaa maalmaha soo socda waxay u gudbi doonaan magaalada garoowe ee caasimada dawlada puntland iyagoo halkaasna lagu wado in ay kulamo kula qaatan masuuliyiinta dawlada puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”