Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Sheegay In Xukuumadu Ka Gaabisay Waajibkii Loo Igmada, Madaxwayne Siilaanyo Ka Dalbaday Inuu 28 Saacadood Gudahood
Ummada Ugu Cadeeyo Talaabada Uu Kaga Jawaabayo Shirka Taleex
(Hadhwanaagnews) Friday, January 13, 2012
Xukuumadan Waxa Dalka Loo Dhiibay Bulshadda Oo Midaysan, Garaad Jaamac-Na Waxaan Leeyahay Dabka S/Land Ka Baxayaa Waa Kii Uu Garaad C/Qani Bali-Gubadle Ku Shiday 1990-KiiSuldaan Xasan Suldaan C/Raxmaan
Hargeysa (HWN) Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xukuumada talada haysaa ay ku guul-daraysatay waajibaadkii loo igmaday ee ay ummada uga masuulka ahayd, isla markaana Madaxwayne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu 28 saacadood gudahood bulshada ugu soo bandhigo talaabada uu ka qaadanayo shirka lagu mijo Xaabinayo Qaranimada Somaliland ee ka socda Taleex.
Suldaan Xasan waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay galab u Waraysi khaas ah khadka Tilifoonka ku siiyey Wariye Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka tirsan Wargeyska Haatuf isaga oo ku sugan Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlayey khatarta Somaliland kaga iman karta shirka degmada Taleex ee gobolka Sool ee lagaga dhawaaqay Maamul Goboleedka.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa uu sidoo kale baaq u diray Garaadada beesha Dhulbahante ee qabqablayaasha ka ah shirka Taleex ee lagu yagleelay maamulka ma dhalayska, kaas oo uga digay inay ku dhaqaaqaan talaabo colaad ka abuuri karta mandaqada.
Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi isaga oo ugu horayn ka hadlaya fikirkiisa ku wajahan shirka Taleex, waxa uu yidhi Hadii aan kalmadayda ka yidhaahdo shirka Taleex ka socda, run ahaantii beeluhu way shiri karaan oo danahooda khaaska ahna way ka shiri karaan laakiinse qadiyadahan soo ifbaxay ee waliba lidiga ku ah qaranimadii dalku waa mid aan si wayn uga soo horjeedo. Dhawaaqa ka soo baxay Shirka Taleex uga socda beesha Dhulbahante Shacbiga Somaliland waa arin dhibaysa hadii ay reer Sool tahay iyo hadii ay bulshada kale ee Somaliland tahayba waa arin dhib u horseedi karta, arintani ka ugu galbeedeeya ee jooga Lawyo-cado waa arin saamaynaysa. Xaqiiqdii Somaliland xuduudo caalami ah ayey leedahay, nidaam dawladnimo oo hano qaaday ayaa ka jira oo Madaxdhaqmeed ayey leedahay, markaa waxaan ku boorinayaa waxgaradka iyo aqoon yahanka beesha Dhulbahante inaanay dhib u horseedin ummadooda mudada 21-ka sano ah dib u dhucu ku yimid, isla markaana maanta ayaan u malaynayaa inay ku beegan tahay wakhtigii Rayaale ee Maamulka Somaliland saldhigay, maanta-na waxaynu ka warqabnaa oo muuqata in adeegyadii bulshada ee deegaankaasi uu aad u soo noolaanayaa.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabaya hadal hore uga soo yeedhay Garaad Jaamac Garaad Cali, waxa uu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah walaalkay oo maanta ka mid ah Isimada hogaaminaya shirkaas Taleex hadalkii uu lahaa Dab rag kale shitay kuma dhaxantirayo ee waxaynu u baahanahay mid aynu inagu shidano, waxaan leeyahay Walaalkay Garaad Jaamac oo xidhiidh Taariikhi ahi naga dhexeeyo boqortooyada uu hayo, waxaan odhan lahaa waa Dabkani waa Dabkii uu Garaad C/qani shiday ee Somaliland markii uu 1990-kii noogu yimid Bali-gubadle, isla markaana uu ka soo qaybgalay shirkii Burco ee dib ula soo noqoshadii Somaliland iyo shirkii 1993-kii ee Boorama, markaa waxaan leeyahay Walaalkay Garaad Jaamac Garaad Cali cidna marti ugama tihid oo reer Somaliland ayaad tahay, qadiyadaasi-na waa ta walaalaysay Wiilka Sool u dhashay iyo ka Hargeysa u dhashay in bulshadu sidaas isku dhexgasho-na waxa keenay geedkii la beeray maalintii Madaxbanaanida ay Somaliland dib ula soo noqotay, waxaanan idiinku baaqayaa oo aan idin leeyahay walaalayaal dhaxalkaas ay ubadkeenu haystaan ha inagaga tuurina meel Dogob ka qiiqayo oo aynu aragno sida aanay marna salka u dhigayn Koonfuri.
S: Garaadada Beesha Dhulbahante waxa sida muuqata ka dhaqdhaqaaq badan siyaasiyiinta beeshaas ee dibada ka yimid, arintaasi ma kuu muuqataa?
J: Nimanka siyaasiyiinta ah ee shirkaa ka qaybgalay ee la leeyahay 7 habeen Somaliland waligood may seexanin caruuri dalka iyo guud Afrikaba kama joogto, markaa iyagu kamaba turjumi karaan Masiirka ummadda, waxaanan leeyahay qadiyadaas si taxadir leh uga fiirsada wixii beesha aanu walaalaha nahay ay tabanayso-na halkeeda ha ahaato, waana mid ay heli doonaan waxay xaq ugu leeyihiin dalkan.
S: Beesha Dhulbahante ee Taleex ku shiraysa miyaanay xaq u lahayn inay arimahooda gaarka ah ka tashadaan oo ay ka shiraan?
J: Xaq way u leeyihiin in beel waliba arimaheeda gaarka ah ka tashato oo dadku Masiir ayey leeyihiin, laakiin marna-ba gorgortan galimayso qadiyada gooni isku-taaga Somaliland, wixii ka hooseeya in laga wada hadlo ayuu sharcigeenu ogolyahay, Somaliland Axdi-qarameed ayey soo martay, waxaanay hada maraysaa hanaan Distoori ah oo ay beesha Dhulbahante ee Taleex ku shiraysaa ay hormood ka ahayd.
S: Jawaabta Xukuumadu ka bixisay Shirkaa Taleex ma yahay mid ku haboon waaqaca jira?
J: Hadalkaas Wasiirada ka soo yeedhay wuu ka miisaan yaraa qadiyada hada taagan, waxaad moodaa-ba inaanu xukuumadda hada talada haysa aanu wax war ahi-ba ka soo bixin, sida aynu wada ognahay dawladda maanta jirta waxa loo dhiibay dalkan oo midaysan, waana in 28-ka saacadood gudahood Madaxwaynuhu ku cadeeyo qorshaha uu ka damacsan yahay shirka Taleex ee lagu burburinayo Somaliland, isla markaana waa arin xataa golayaasha sharci dajinta iyo dhamaan dawladda oo dhan looga fadhiyo in wax ummadu ku qanacdo ay kaga jawaabaan khatartaas.
S: Suldaan Sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigu mar uu Haatuf u waramayey habeen hore, waxa uu qiray in xukuumadu ogolaatay shirka Taleex, arintaasi siday kuula muuqataa?
J: Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ka soo yeedhay waxa aan u arkaa mid muujinaya in xukuumadu ku guuldaraysatay waajibaadkii loo igmaday, waxa dawladda talada haysa loo igmadayna waxa ka mid ah 1. in amniga guud ee dalka ay ilaaliso, taasina waxay meesha ka baxday markii shacbiga Sool iyo Shacbiga Somaliland-ba lagu soo duulay, markaa xukuumadu ha ogaato in badbaadinta shacbigeeda ay masuul ka tahay. Waxaana muuqata in hadalkaas wasiirku qiraalka ka bixiyey ay lidi ku tahay hawshii loo igmaday xukuumadda.
S: Xalka lagaga gudbi karo khatarta ka dhalankarta Maamul Goboleedka Shirka Taleex lagaga dhawaaqay maxaad u aragtaa?
J: Horta waa inaynu ogaano inaanu shacbiga Dhulbahante la socon qolada maamul ku sheegaas ku dhawaaqday, isla markaana waa qadiyad aan la odhan Karin beesha Dhulbahante way ka midaysan tahay. Maanta Hargeysa, Burco iyo Boorama ayaa ardayda Jaamacadaha kaga jirta bulshada Sool ay ciidaa ka badan tahay, isla markaana waxa kale oo aan la iska indhotiri Karin masuuliyiinta Deegaanadaas kaga jira dawladda iyo golayaasha qaranka. Waxaan talo u arkaa oo aan waliba u arkaa in khilaafka lagaga gudbi karo inaan arinta la sii murjin oo cagta loo dhigo, ilaa iyo intii uu Ilaahay dhulkan inagu abuuray dhamaanteen xaaladeenu wada tashi ayey ahayd Insha Allaah-na xaaladeenu wada tashi ayey ku dhamaanaysaa, umana baahnin cid maanta nabadaa aynu samaysanay inaga wiiqda, waana mid dhamaanteen aynu u wada baahanahay.
S: Dhawaaqan Shirka Taleex ka soo yeedhay waxa la sheegayaa inuu daba socdo hawlo qorsheeyeen Qaramada Midoobay iyo dawladdo waawayn oo looga danleeyahay in deegaankasta laga sameeyo Maamul Goboleedo wada hoostagay dawladda taagta daran ee Somalia, arintaas maxaad ka odhan lahayd?
J: Hadii ay arimahan wadaan Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa ama ay wadaan IGAD, Jaamacatul Carab, Midawga Afrika iyo haday Midawga Yurub wadaanba waxaan xaq la inoogu lahayn la ina marsiin maayo, isla markaana kama aqbalayno hadii ay qadiyadaas ku mashquulaan. Ummada-ni Masiirkeedii way ka tashatay oo mudada dheer ee aynu aqoonsi laaanta ku joognana gaf wayn ayeynu ka tirsanaynaa dhamaan ururada aan kuu sheegay oo dhan, waxaanan aaminsanahay oo dad badan ila qabaan hadii ay dunidu Somaliland aqoonsato in Soomaaliyada ay la yaaban yihiina ay saldhigi doonto.
S: Wakhtigan xaalada Xasaasiga ahi taagan yahay waxa jira khilaafyo horleh oo ka dhextaagan saddexda xisbi qaran, khilaafyada maanta taagani muxuu Somaliland dhaxalsiin karaa ayaan u malaynaysaa?
J: Axsaabta qaranka iyo dhamaanba bulshada Somaliland waxa la gudboon inay maanta khilaafyadii dhexdooda ka soo wada jeestaan oo ay danta qaranka gacmaha isku wada qabsadaan, waxaana la inooga baahan yahay in difaac qaran loo wada joogsado min bari ilaa galbeed, markaa waa in dawladuna garataa waajibkeeda inaguna aynu taageero la barbar joogsano.
S: Dad badan oo bulshada ka mid ahi waxay qabaan in arimahan ka socda Galbeed inay gabeen Masuuliyiinta xukuumadda iyo golayaasha qaranka ugu jira beesha Taleex ku shiraysa, arintaas ma kuu muuqataa?
J: Ma qabo inay masuuliyiinta deegaanadaas ee dawladda ku jiraa gabeen shaqadoodii oo rag badan oo deegaanada Sool ka soo jeeda ayaa jira oo ka shaqaynaya horumarka dalka, dhawaaqan ka soo yeedhay shirka Taleex-na waa fakir shakhsiyaad wataan, fikirkaasna waxa ka miisaan wayn fikirka bulshada kale qabto. Markaa waxaan ku baaqayaa oo aan hore-na ugu baaqay in tabashooyinka jira ee beesha Dhulbahante hoos loo eego.
S: Ma kuu muuqataa in xukuumadii Rayaale ay dawladda Madaxwayne Siilaanyo kaga wanaagsan tahay arimaha xaga amniga iyo ilaalinta qadiyada Madaxbanaanida Somaliland?
J: Xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland soo maray qorshe macquul ah oo kor u qaadaya qadiyada Somaliland ay ku shaqayn jireen, waxaanay xooga saari jireen dawladahaas hore adkaynta nabad-galyada iyo midnimada shacbiga dalka, taas doorkeedii ma muuqdo oo xanta hoose ee meel walba taalaa waa taas. waxaanan Qirayaa in mudada xukuumadan hoos u dhacwayni ku yimid Midnimadii iyo isu-wadadii Shacbiga Somaliland, waxaanan leeyahay talo qaran Masiirka ummada lagu badbaadinayo xukuumadu ha la timaado.
The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex outcome
Moderator: Moderators
- HaragWafi85
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1838
- Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
- Location: Somaliland.
The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex outcome
- HaragWafi85
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1838
- Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
- Location: Somaliland.
- SheikhExecutive
- SomaliNetizen
- Posts: 509
- Joined: Wed Jan 04, 2012 8:27 am
- Location: Khaatumo State of Somalia
Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
Somalifanatic wrote:NO WAY!!!!

- HaragWafi85
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1838
- Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
- Location: Somaliland.
Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
It's good for everybody to come clear of their stance.
The likes of Garad13 won't be able to hide in daanta Habar Awal ee Hargeysa anymore.
Jke.


- HaragWafi85
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1838
- Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
- Location: Somaliland.
Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
SULDAANKA GUUD EE HABAR AWAL OO DIGNIIN UU DIRAY GARAADADA KU SUGAN TALEEX.
http://burcoonline.com/view.php?id=2870
http://burcoonline.com/view.php?id=2870
Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
He is right, the president shall be questioned this Saturday 

Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
Waar nimankani badhaq nugulaa, durba qaylay afka is qabteen 

Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
HaragWafi85 wrote:It's good for everybody to come clear of their stance.The likes of Garad13 won't be able to hide in daanta Habar Awal ee Hargeysa anymore.
Jke.




Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
^That's sounds funny. Perhaps it has to do with the tensions between them and JB?
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
Garad are you saying Dhulbahantes have more rights in hargeysa than Gadabuursis




Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
I don't know it has to do with sacad muse samaroon beef, but a dhulbahante guys can call isaaq laangaabs say sl should burn to ashes this and that, and they will reply with kaftan and not get angry at all. But a samaroon dude says awdal land one time they jump down his throatkhalid ali wrote:Garad are you saying Dhulbahantes have more rights in hargeysa than Gadabuursis![]()
![]()

Don't you know my name is **** SSC in Hargeisa, Dhulbahante iyo Isaaq way is kaftan yaqaan weyna is xabad yaqanaan

Last edited by KyrieJama on Fri Jan 13, 2012 7:07 pm, edited 1 time in total.
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
Garad i think it has something to do with that Dhulbahante since the 1990s were Semi Somalilanders and not full Somalilanders never did the whole clan ever supported Somaliland. So if Dhulbahantes say in hargeysa Somaliland ma jirto iyo waxaas dee wa yeelkadood the reer hargeysa will replay awal ba lug bay Somaliland kula jiren lug na meel kale
, Laakin Qolyahan Gadabuursi xiligi rayaale waxay odhan jiireen Diinta hadaad caydan no problem ilahay ba kula xisaabtamaya laakin hadaad Somaliland caydaan , Dawlada ku xiidhaysa oo anaga kula xiisaabtamayna
Maantana qaar ba la war waregeya dawarsi state ba lana yidha
Dadkaasu kale wala dhagexeya abti 




- HaragWafi85
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1838
- Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
- Location: Somaliland.
Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out

Safari hotel - Hargeysa owned by Gadabursiis.

Last edited by HaragWafi85 on Fri Jan 13, 2012 6:56 pm, edited 1 time in total.
Re: The Suldaan of Habar Awal doesn't support the Taleex out
@Garad I think those people who argue with them are Emprs cousins 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 25 Replies
- 13912 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 15 Replies
- 1235 Views
-
Last post by Landerious
-
- 4 Replies
- 550 Views
-
Last post by original dervish
-
- 12 Replies
- 2414 Views
-
Last post by NomadicSoul1
-
- 5 Replies
- 2706 Views
-
Last post by samirir
-
- 1 Replies
- 2519 Views
-
Last post by rich-boy
-
- 20 Replies
- 8021 Views
-
Last post by kanadiid90
-
- 41 Replies
- 11855 Views
-
Last post by XKeyse_
-
- 34 Replies
- 2161 Views
-
Last post by NGM