
Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda KMG ah oo maanta marti ku ahaa barnaajimka Sahanka Raadiyaha oo maalin waliba ka baxa Radio Muqdisho codka jamhuuriyadda Soomaaliya marka laga reebo maalinimada jimcaha ah ayaa waxaa looga hadlayay wax qabadka wasaaradda difaaca.
Xuseen Carab Ciise wasiirka difaac dalka oo maanta marti ku ahaa barnaajimka sahanka Radiyaha ayaa wax uu kaga hadlay wax yaabihii u qabsoomaay wasaaradda gaashaandhiga mudadii uu wasiirka ka ahaa.
Wasiirka difaaca Mudane Xuseen Carab Ciise oo ay su’aalo ku soo weydiiyeen dhageeystayaasha ku nool dalka iyo dibaadiisa qadka taleefanka iyo qeybta facebook-ga ee Radio Muqdisho ayaa si waafi ah uga jawaabay dhammaan Su’aalihii la weydiiyay.
Listen: