Minister of information attends Arab League meeting in Oman

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Minister of information attends Arab League meeting in Oman

Post by Coeus »

Waxaa magaalo madaxda dalka Oman ee Muscat lagu soo gebogebeeyey shirka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dalalka Carabta ayadoo Dowladda Soomaaliyana ay shirkaasi uga qeybgaleen wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta.

Shirkan oo mudo Laba cisho ah ka socday magaalada Muscat ayaa waxaa looga hadlay horumarka isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dalalka Caalamka ay sameeyeen sida ay Carabta ula jaan qaaday iyo sida lagu gaari karo horumarrada la xiriira dhanka Tiknolojiyada Caalamka waxaana intii uu shirku socday dhinacyadii ka qeybgalay ay isweydaarsadeen aragtiyo kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa faah faahiyey xaalada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaalida sida ay ula jaan qaadeen dunida horumartay ayadoo dhanka kalena Wasiirku ka hadlay qorshayaal ay hada Dowladdu qorsheyneyso iney isgaarsiinta ku tayeyso.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulammo gaar gaar ah kula qaatay magaalada Muscat Wasiirrada Warfaafinta dalalka Oman iyo Sudan oo uu kala hadlay sida loosii ambaqaadi karo iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay dalalkaasi iyo sida ay gacan uga geysan karaan in la gaaro horumarka ay Dowladda Soomaaliya hiigsaneyso mustaqbalka dhow.


Image
Image
Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”