Beera layda Degmada Dhanaan oo Kacabanhaya Shimbir aad Ufara

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Beera layda Degmada Dhanaan oo Kacabanhaya Shimbir aad Ufara

Post by ina aadan »

Degmada dhanaan oo uu eebo kumanays Dhulbeereed aad ufiican ayaa hada waxaa lagu jiraa xiliyadii ay beeraha degmada Dhanaan sariirta loo fuulijiray Si looga celiyo Shimbirta iyo waliba duunyada.

Shabakada Danwaa Media Netwrok ayaa Shalay Khadka taleefanka kula xidhiidhay waxgarad kusugan Degamada Dhanaan waxayna sheegeen in ay beerihii Degmada Dhanaan si wanagasan u baxeen iyaga oo intaas kudaray in darytan kasoo bixi doono beeraha dalag aad ufaraban kaas oo ubadan Maassago yar yareey iyo galay.

Waxgaradka ay shabakadu lahadashay ayaa walaac iyo wal wal kamuujiyay Guulaamooyin shimbira ah kuwaas oo kuhabsaday dooxadii Dhanaan waxayna sheegeen in ay dhibaato ba,an kala kul mahayaan Guutooyin shimbira ah kuwaas oo faraba,an ku haya beerihii kuyalay dooxooyinka Degmada Dhanaan.

Markii uu waagu baryo waxay beeralayda Degmada Dhanaan kuwaabaristaan ciiryaamo shimbara ah kuwaas oo kuwaas oo u soo kalaha beeraha, dadka beerta celinhayana waxay iskdarahayaa Dhawaaq iyo xaaxlaynta iyaga oo isticmaalahaya aalado ay ooga hortagahayaa shimbiraha.

Babinta maryaha iyo wadhfinta laqaadaha iyo ruxida qubux qubuxda oo uu kabahay dhawaaq kasoo baxahay qofka luxahaya waa gaashaanka oogu adag ee shimbirta looga difaacdo beerta .

Dhanka kale waxaa magaalada kasocodo (master plain)jid u hagaajintii xaafadaha Degmada Dhanaan iyada oo lasheegay in qaar kamid ah guryaha uu qabtay cabirku ladumiyay .

Bulashada kudhaqan Degmada Dhanaan ayaa ah bulsho xoola dhaqato iyo beeralay ah waxayna nolashoodu kutiir santahay xoolaha nool iyo dalaga kasoo baxa beerahaas.

kalasoco wixii war ah ee kasoo kordha

danwaanews.com

degmada dhanaan
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”