BOSASO IMPLEMENTS NEIGHBORHOOD WATCH SYSTEM
Posted: Sat Jan 14, 2012 12:56 pm
http://horseedmedia.net/2012/01/14/maam ... yo-sawiro/Maamulka degmada Boosaaso oo soo bandhigay qorshe cusub oo ammaanka lagu sugayo [Sawiro]
Updated:- 6 hours ago| 5 Commnets
Kulan looga hadlayey adkaynta ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dowlada hoose ee degmada.
Kulankaas oo ahaa mid looga arinsanayey sidii xaafadaha loo deriseyn lahaa islamarkaana loo tirakoobi lahaa guryaha iyo dadka mas’uulka ka ah si loo ogaado haybta dadka degen ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka degmada, Guddiyada xaafadaha, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xubnaha joogtada ah ee golaha deegaanka.
Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu amaanku uu leeyahay horumarka bulsho walba, wuxuuna sheegay in maamulku aysan waxba qaban Karin hadii aanay shacabkooda gacan buuxda ka helin.
Xasan Cabdalle ayaa sidoo kale sheegay in nidaamkan cusub ee guryaha magaalada kooxaha la isugu raacinayaa uu yahay mid dunida oo dhan laga isticmaalo islamarkaana sahlaya in si fudud loo helo macluumaad dhamaystiran oo ku saabsan guri walba iyo dadka degen, arintaas oo uu duqu sheegay inay tahay mid amaanka magaalada lagama maarmaan u ah maadaama ay meesha ka saaarayso in dadka danbiilayaashi ahi ay bulshada ku dhex dhuuntaan.
Madaxa amaanka ee xubnaha joogtada ah ee golaha deegaanka ee degmada Boosaaso Xildhibaan Xasan Mursal oo isna kulankaas si kooban uga hadlay ayaa ugu baaqay bulshada gaar ahaan gudiyada xaafadaha inay xil weyn iska saaraan sidii uu qorshahan cusub ee ay dowlada hoose wado loo meel marin lahaa.
Khadro Maxamed Dhuungale oo iyaduna ah gudoomiyaha ururka haweenka ee degmada Boosaaso ayaa sheegtay in haweenku ay kaalin weyn ka qaataan amaanka iyo xasiloonida habkan cusub ee uu maamulka degmadu bilaabay si nabadgelyada loo dhowrana ay aad usoo dhoweynayaan islamarkaana ay dadaalkooda intii uu horay u ahaa kasii laban laabi doonaan.
Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa qayb ka ah kulamo mudooyinkii u danbeeyey ka dhacayey magaalada Boosaaso loogana arinsanayey sidii looga hortegi lahaa cid walba oo xasiloonida khal khal gelin karta nabadana loo xoojin lahaa, kulamadaas oo ay qaarkooda Culimaa’uddiinka waaweyn ee Puntland ka qayb qaateen.
Waana markii ugu horeysey oo maamul magaalada Boosaaso ka jiraa uu soo bandhigo qorshe xaafadaha lagu deriseynayo kaas oo ah mid guryaha magaalada qaab nidaamsan oo kooxo kooxo ah la isugu raacinayo si ay u fududaato in tirakoobka guryaha iyo dadka ku noolba loo ogaado si weynna uga qayb qaadan doona kahor tagga falalka ammaanka lidka ku ah bulshaduna ay si diiran usoo dhoweeyeen.
Maxamed Salaad
Horseed Media
Boosaaso