Shabaab losing ground in Hiiraan like no tomorrow!
Posted: Sat Jan 14, 2012 1:11 pm
They are almost literally out of Gedo, losing ground in Lower Jubba and Upper Jubba and now they are being pursued in Hiiraan like no tomorrow. Soon they will be holed up in Bay, Bakool and Lower Shabeelle where most of their footmen come from. Funny looking at the progress Ethiopia is making compared to the Kenyans. Kenyans are a joke wallahi!
DEG DEG:-Ciidammada Qalabka Sida Oo Maxaas La Wareegay
Sida ay dadka deegaanka sheegayaan ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmada, waxa ayna kooxaha xagjirka ah deegaanka iskaga baxeen markii ay maqleen in kolonyo ciidamada qalabka sida ah oo ku wajahnaa degmada Buula barde ay u weecdeen dhanka bari, waxaana wararka ay wakaaladu heleyso intaasi ku darayaan in ay Maleeshiyaadka argagixisada ah ay ka huleeleen deegaannada Moqokori, Aadan yabaal, Cali fooldheere iyo deegaannada ku dhowdhow.
Saraakiisha ciidanka ayaan wax war ah ka bixinin qorshayaalkooda dagaal, waloow ay horay u shaaciyeen in ay gobollada dhexe ka sifeyn doonaan cadowga ku soo duulay dalkeenna iyo calooshood u shaqeystayaalka ajnabiga ah.
Deegaanka Maxaas ayaa ciidanka si aad ah loogu soo dhoweeyay, waxaana la arkayay dadka oo isku marxabeeynaya goobaha lagu qaxweeyo, waxaana durbaba deegaanka laga dareemay neecowda nabadeed.
Khubarada dhanka milatariga ah ayaa shaki gelinaya sii joogitaanka Argagixisada gobolka Galgaduud iyo shabeellaha dhexe, iyaga oo ku sababaneynaya in ay suuragal tahay in ay go’doomaan oo ay gacanta u galaan sooma jeestayaasha xoogga dalka, waxaana horay loo sii ogaa in ay dhamaan horjoogayaalkii ugu tunka weynaa ee kooxda ay miciin bideen howdka Jubooyinka si ay maalmo kooban ugu sii baxsadaan.
Dhinaca kalena Ciidammo kale oo iyana waaberigii saakay usoo jiheystay dhanka degmada Buulo Burde ee isla gobolka Hiiraan ayaa durbaba si fudud kula wareegay deegaannada Baardheere,Beerxaano iyo Garasyaani ayagoo hadana kaabiga ku haya degmada Buulo Burde oo Maleeshiyada Kooxda Shabaab dhankeeda Waqooyi ay fariisimo ka sameysteen.