Islamic Development Bank delegation visits Galkayo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Islamic Development Bank delegation visits Galkayo

Post by damu »

Waxaa xalay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka dhacday Casho sharaf balaaran oo si weyn loosoo qabanbqaabiyey taasoo lagu sagoontinayey Wafti sare oo ka socday Bangiga Islaamka oo dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay socdaal shaqo ku joogay Gobolka Mudug iyadoona Cashadani ay ka dhacday aqalka madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane,Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ku leeyahay magaalada Gaalkacyo oo ay Waftigani ku sugnaayeen Dhowrkii cisho ee ay gobolka Mudug joogeen, Casha sharaftan ayaa waxaa ka qaybgalay madax kasocotay bangiga islaamka, Wasiirka caafimaadka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed, Gudoomiyaha gobolka Mudug, kuxigeenkiisa, Duqa magaalada Gaalkacyo iyo Xubno ka socday Hay’adaha hormarinta ee taageerada ka hela Bangigan.

Casho sharaftan ayaa intii aysan bilaabmin ka hor laga hadlay Waxqabadka Bangiga islaamka iyadoo madaxdii ka socotay Bangiga Islaamku ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay taageeraan shacabka reer Puntland ayna ka caawiyaan hormarinta isbitaalada iyo goobaha kaladuwan ee muhiimka u ah jiritaanka bulshada, sidoo kalena dawlada Puntland ayaa intii uu kulankaasi socday waxay shahaado sharaf gudoonsiisay madaxda Bangiga islaamka taasoo ay dawladu uga mahadnaqaysay taageerada ay siiyeen shacabka Puntland tan iyo intii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya waxaa halkaas lagu gudoonsiiyey shahaado sharaf ay dawlada Puntland gudoonsiinaysay madaxda Bangiga Hormarinta islaamka (Islamic Development Bank) taasoo uu soo qabanqaabiyey Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane,Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyadoo isaga iyo Wasiirka Caafimaadkuna ay si rasmi ah Waftiga u gudoonsiiyeen shahaado sharaftan.

Duqa magaalada Gaalkacyo Gol.Siciid Cabdi Faarax oo furitaankii xafladan ka hadlay ayaa sheegey in isaga oo matalaya shacabka magaalada Gaalkacyo ay ku faraxsanyihiin imaanshaha waftigan kayimid xarunta dhexe ee Bangiga Islaamka Waxaana uu sheegey inay uga mahadnaqayaan howlihii ay qabteen mudadii koobnayd ee ay magaalada joogeen kuwaasoo ay kujireen raashin qaybin iyo balanqaadis taageero rasmi ah, Dr.Cawid Saalim oo kamid ah Madaxda Bangiga golaha Islaamka (Islamic Bank) oo ku hadlayey afka madaxda Bangiga ayaa sheegey in isaga oo ka turjumaya Bangiga Islaamka gaar ahaana madaxa sare ee bangiga ay ka go’antahay taageerista qaybaha kaladuwan ee bulshada ku nool caalamka islaamka, Si gaar ahna wuxuu sheegey in Madaxda bangiga Islaamku ay diyaar ugu yihiin inay u taageeraan shacabka Soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinku mudada dheer haysteen isagoona sheegey in iyaga oo ka fogaanaya arimaha siyaasada hormarinayana qaybaha hormarinta bulshada, Dr.Cawid ayaa goobta ka balanqaaday taageerooyin rasmi ah oo Bangigu ugu deeqay isbitaalada Puntland, hormarinta ceelasha biyaha, Caafimadka & Waxbarashada taasoo qaybteeda ugu horaysa mudo bil ah gudaheed Puntland ay helayso, Dhanka kale wuxuu sheegey inay ka xunyihiin Waxyaabaha ay Warbaahinta ka daawadeen ee Macaluusha, dhibaatooyinka dagaalada, Mushkiladaha Gaajada, dawlad la’aanta iyo Fowdada iyo burburka bulshada Soomaaliyeed ay aad uga xunyihiin taas darteedna ay dadka Soomaaliyeed u caawinayaan waqti kasta.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland ee Soomaaaliyeed Dr.Cali Cabdullaahi Warsame oo jeediyey Khudbad muhiim ah ayaa sheegey in Waftiga ka socda Bangiga islaamku ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dawladiisa maadaama buuyiri ay dawlada imika jirta ku mashquulsantahay hormarinta bulshada taas darteed buu yiri Wasiirku dawladu inay diyaar la tahay wixii loo qabanayo shacabka inay qaybteeda ka qaadato, Wasiirka Caafimaadku wuxuu sheegey in ay niyad sami ka rajaynayaan Islamic Bank madaxdeeda maadaama buu yiri Wasiirku mudadii koobnayd ee Waftigu ay Gaalkacyo joogeen inay sameeyeen waxqabad muuqda iyo Niyad sami waxqabadeed, Dr.Cali Ayaa sheegey in shacabka Soomaaliyeed ay sharaftoodii & Karaamadoodii soo noqon doonto islamarkaasna ayna ka faa’iidaysan doonaan kheyraadka dalkooda, caalamka ayuu Wasiirku ka codsaday inay dulqaataan dhibta Soomaaliya aysana ka daalin taageerada bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Mudug dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa waftiga markii ay gudoonsiiyeen shahaadada kadib wuxuu sheegey in ay dadka reer Puntland xusuus gaar ah u leedahay waxqabadyadii hore ee Bangiga Islaamka isagoo taas ku sheegey in markii ay burburtay dawlada dhexe ee Soomaaliya ay ceelashii ugu horaysay ilaa Lix degmo ee Puntland ah ka sameeyeen madaxda Bangiga Islaamku, Wuxuu sidoo kale sheegey In xusuusta kale ee ay reer Puntland u hayaan Bangiga islaamku ay tahay markii Puntland lagu dhawaaqay ay xafiisyadii ugu horaysay ee madaxda Puntland fariisteen uu dhisay bangiga Islaamku sidaas darteedna ay Shahaado sharaftan quruxda badan mahadnaqa ahna u gudoonsiiyeen madaxda Bangiga islaamka isagoo codsaday in madaxa Bangiga islaamka la gaarsiiyo fariinta mahadnaqa ah iyo Shahaadada ka timid dawlada Puntland iyo shacabkeeda, Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa codsaday in laga dhabeeyo balanqaadka Bangiga Islaamka taasoo uu sheegey inay guul ka rajaynayaan wada shaqaynta labada dhinac, Xaflada ayaa jawi wanaagsan kusoo dhamaatay iyadoo madaxdii ka socday Bangiga Islaamku ay saaka ka dhoofeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Islamic Development Bank delegation visits Galkayo

Post by damu »

Image

Image

Image

Image

Image
:up:
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Islamic Development Bank delegation visits Galkayo

Post by quark »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”