Awdal State of Somalia Meets with TFG
Posted: Sun Jan 15, 2012 11:44 am
Maamul ka go’ay Somaliland oo la kulmay dowladda KMG
Muqdisho: (Sh. M. Network) Madaxda Maamul ka go’ay Maamulka Somaliland oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Golaha wasiiradda Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Wafdigaani oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Maamulka Awdal State Abuukaate Rashiid Aw nuur Xirsi oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay kulamo la qaateen qaar ka mid ah Golaha wasiirada Xukuumadda, iyagoo sheegay in ay rajaynayaan in ay kulan xasaasi ah la qaataan Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.
Abuukaate Rashiid Aw Nuur Xirsi oo si gaar ah ula hadlayey Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in aysan marna aqbali doonin in Calan aan aheyn midka Jamhuuriyada Soomaaliya ay Somaliland ka taagto gobolka Awdal, waxaana uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaasi ay si wada jir u taageersan yihiin wadajirka iyo midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Awdal State ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in marnaba iyagu dhibaato ka gaysan doonin gobolkaasi balse waxa uu sheegay in hadii Somaliland ay isku daydo in mabaadiida ay aaminsan tahay ee ah in Soomaaliya ay ka go’do aysan gacmaha ka laaban doonin islamarkaana ay dagaal kala hortagi doonaan.
Ugu dambayntii mar Shabelle ay waydiisay Madaxweynaha qorshaha Maamulkooda ayaa waxa uu sheegay in qorshahooda uu yahay in ay ka mid noqdaan Maamulada ka dhisan dalka ee hoosyimaada dowladda KMG Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net