TFG Calls For Peace In Sool.....

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

TFG Calls For Peace In Sool.....

Post by Somalian_Boqor »

Image

Muqdisho[RBC Radio] Dawladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkii ka dhacay magaalada Buuhoodle ka dib kulan uu maanta yeeshay Guddiga Amniga Qaranka ee DKMG ah.
Kulankii ay yeesheen maanta Guddiga Amniga Qaranka DKMG ah ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya in ay joojiyaan dirirta,waxaana wax laga xumaado ay ku tilmaameen dagaalkaas.
Warsaxaafadeed.
01. Wuxuu walaac ka muujiyey dagaaladii maanta ka dhacay degmada Buuhoodle ee gobolka Sool,halkaasoo ay ka dhaceen dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo dhawaac.
02. Wuxuu u tacsiyeynayaa eheladii ay ka baxeen dadka geeriyooday asagoo dhinaca kalana u rajeynaya dhaawaca in illaahay ka kiciyo dhibaatada gaartay.
03. Wuxuu baaq nabadeed usoo jeedinayaa dadka dega deegaanka kuwaasoo wadaaga xiriir iyo dhaqan soo jireen ah.
04. Xiriirkaas wuxuu u baahanyahay in lagu ilaaliyo nabad lagana fogeeyo Xumaanta& dagaalada waxaana hubnaa in aysan cidna ugu jirin gacan ka hadal iyo fidno ka dhex abuuranta bulshada walaalaha ee deegaanka.
Sidaas awgeed,wuxuu Guddigu ku baaqayaa in si deg-deg ah oo aan wax sharuud ah lahayn loo Joojiyo gacan ka hadalka iyo shidada,laguna xaliyo wax kastoo khilaafaad ah wadahadal laguna gaaro is afgarad Walaaltinmo/
Ugu danbeyntii Dawladda KMG ah ee Federaalka waxa ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato wax kasta oo lagu celinayo nabada iyo Walaaltinimada soo jireenka ah ee bulshada deegaanka.

http://www.raxanreeb.com/?p=127482
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”