Waxaa dib markale saaka uga qarxay duleedka degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.
Dagaalka oo ahaa mid la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan madaafiicda culculus iyo kuwa lidka diyaaradaha ayaa wararkii ugu danbeeyey ee Buuhoodle naga soo gaarey waxay sheegayaan in khasaare kii dagaalkii hore ka badani uu ka dhashay.
Weriye madax banaan oo codsaday in aan magaciisa la baahin ayaa isaga oo degmada Buuhoodle ku sugan mar ay Horseed Media khadka Telefoonka kula xiriirtay u sheegay in goobta dagaalku ka dhacay ay tahay deegaanka lagu magacaabo Sool-joogto oo labo beri kahor sidan oo kale dagaal xoogani ciidamada S/Land iyo dadka deegaanka uu ugu dhex maray.
Wuxuuna intaas ku daray in dagaalku uu bilowday kadib markii ay ciidamada Somaliland oo ku suugnaa meel aan degmada Buuhoodle sidaas uga sii fogeyni ay duqeeyeen fariisimo ay ciidamada deegaanku ka samaysteen duleedka degmada Buuhoodle.
Dagaalka ayaa hada joogsaday waxaase laga cabsi qabaa in uu dib markale u qaraxo maadaama labada dhinacba ay diyaar garow ciidan oo xoogan wadaan.
Wixii warar ah oo kasoo cusboonaada dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Sool-joogto saacadaha soo fool leh ayey Horseed Media idiin soo gudbin doontaa.
new fight this time in sool-joogto
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Re: new fight this time in sool-joogto
EEERYA EERYA

Former SL soldiers have been welcomed in Taleex & Buhoodle and will join the War to clear SNM out of SSC.

Buuhuudle: (pp)- Wararka naga soo magaalada Buuhuudle ayaa sheegaya in dagaal Saaka uu ka qarxay duleedka magaalada Buuhuudle, dagaalkaas oo ay isaga soo horjeedaan Xoogaga daacada u ah maamulka Siilaanyo & kuwa deegaanka ee ka soo horjeeda joogitaanka maleeshiyaadka Siilaanyo, deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Dagaalkaas ayaa la ogeyn inay qaadeen xoogaga deegaanka iyo inkale, waxaase warar soo baxaya ay sheegayaan in dagaalkaasi uu bilowday kaddib markii maleeshiyaadka ka amar qaata Siilaanyo ay madaafiic la dhaceen fariisamaha ciidamada SSC, kaddibna dagaalku uu sidaas ku qarxay.
Dagaalkaas oo ka bilowday meel lagu magacaabo Sool-joogto ayaa la sheegayaa inuu si qabow uu ku bilowday oo xabado la isku tuurruuray oo kaliya, laakiinse laga cabsi qabto in dagaal xoogan uu bilaaban karo waqti walba, maadaama laba dhinac ay ku jiraan diyaar garow dagaal.
Dadka shacabka ah ayaa ee ku nool magaalooyinka iyo dadka reer baadiyaha ayaa la sheegayaa inay dagaalkaan si toos uga qayb qaadanayaan, iyagoo aaminsan inay awood u leeyihiin inay iska difaacaan isla markaana ay deegaanadooda xoog uga saari karaan xoogaga Siilaanyo oo tijaabinaya awooda ay u leeyihiin inay sii joogi karaan deegaanada Sool, Sanaag & Cayn iyo in kale.
Daabacaadda: Puntlandpost.com

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1315 Views
-
Last post by samadoon-waaxid
-
- 51 Replies
- 5340 Views
-
Last post by CaynabaX
-
- 25 Replies
- 1699 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 5 Replies
- 960 Views
-
Last post by SheikhExecutive
-
- 81 Replies
- 5182 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 0 Replies
- 152 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 20 Replies
- 2117 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 39 Replies
- 2347 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 4 Replies
- 394 Views
-
Last post by FBISOMALIA