----------------------
Baansiinka ceelkiyo biyahaa soo burqaday maanta
Barwaaqada la sheegee alluu beledkii soo dhoobay
Baabuurta waaweeyn iyo kuwaa boqolka shaag haysta
Bi,iwaaye nimanbaa ratibay oo baraan degeye
Baroorta iyo qaylada kuwii buunka kicinaayey
Bii bii cii kuwii soo tunnaa goor barqiyo layla
Beentiina waaniga arkoo waa bacaad madhane
Billaawaad rabteen soow inaad nagu biraysaane
Buntiland cirkaaseey martee boohin wada ooya
Balanbala illeyn waxa tihiin doofar iyo tuuge
Bowdada ka jaba waydinkii soo balweyn jiraye.
Beyd iyo waxii dheer anaa buugag qoraye
Baqina maayo oo waa ogtiin baarqab baan ahaye
Baraamiilna waan dhoofiyaa boqol kunoo foosto
Boosaaso waaniga shidoo noqotay baariise
Baalaheeda waaniga ka dhigay baanamoo kale e
Baalade dalxiiskaa haddeer buuxshay goonyaha e
Buulalayrka waaniga ka shiday gebi baraagtiiye
Badhan iyo hadaaftimo ilaa buurta madaxeeda
Baargaal agtiiyo ilaa cidhiifyadii bayla
Baaqii ka soo baxay haddan baahiyoo dhigo ba
Bulshadii waxay doonayaan, beelahoo dega e
Boowiyo walaalaynu nahay beel kastaan nahaye
Baaruudda waa inan dhignaa buntukha xoornaaye
Barashada tacliintiyo cilmiga badino oo dhowrno
OO banaadir waa inan dhisnaa baalahii xamare.
http://allsanaag.com/Details.asp?id=8399
Abwaan Maxamad Bashir

