Xoogag hubaysan ayaa xalay weeraro culus ku qaaday xarumo ciidan iyo kuwa saraakiil ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.
Xalay Fiidkii ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab weerar culus ku qaadeen Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho oo xiligaasi ay ku sugnaayeen ciidamda AMISOM.
Dagaalka ugu culus wuxuu xalay ka dhacay EVECO,Ifka Xalane Carafaat iyo Isgoyska Ex.control Balcad ee magaalada muqdisho, ciidanka shabaab waxay dagaalkii xalay u isticmaalayeen gaadiidka dagaalka.
Dhinaca kale laba qarax ayaa ka dhacday degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, Rag hubaysan ayaa rasaas ku asqeeyay guri uu degmada Dharkeynleey ka deganaa Siyaasiga Yuusuf Kabaalle.
Laba kamid ah ciidamada ilaalada ka ahaa guriga Yuusuf Kabaalle ayaa laxaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkii xalay, Muqdisho waxaa ka socda dagaal aan dhamaad laheyn lamana oga xiliga dagaalkaasi istaagi doono.