Grenade attack in Guriceel leaves 2 injured
Posted: Tue Jan 17, 2012 1:07 pm
] Weerar bambaano ah ayaa waxaa xalay lagu weeraray goob Maqaayad ah oo lagu caweeo oo ku taala degmada Curi-ceel ee gobbalka Galgaduud, waxaana Mamulka Ahlu sunna ee degmada Guri-ceel uu sheegay inay qabteen cidii weeerarkaasi geystay.
Cismaan Ciise Nuur oo ah Gudoomiyaha Maamulka Ahlu sunna ee degmada Guri-ceel oo faah faahin ka bixiyay sida uu weerarkaasi u dhacay ayaa waxaa uu sheegay in hada la hayo dadkii ka dambeeyay weerarka bambaano ee xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo degmada Guri-ceel ku taala, isagoona sheegay in dadkaasi sharciga la marsiin dooo.
Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha degmada Guri-ceel Cismaan Ciise Nuur qaraxa xalay ka dhacay degmada Guri-ceel ayaa waxaa ku dhawacmay labo qof oo rayid ah, mana jirto cid ku geeriyotay weerarkaasi, ayadoona qraxa ka dib ay ciidamada amaanka ee Maamulka degmada ay howlgalo balaarana ka sameeyeen magalada.
Allwariye.com
Xafiiska, Muqdisgho