Page 1 of 1
HCTV Journalist released HCTV office opens back in hargeysa
Posted: Tue Jan 17, 2012 4:53 pm
by The_Emperior5
HCTV journalists released by the govt of Somaliland the office in hargeysa headquarters is also re opened stay tuned
Re: HCTV Journalist released HCTV office opens back in harge
Posted: Wed Jan 18, 2012 11:21 am
by The_Emperior5
Xukuumadda Somaliland oo Xayiraaddii ka Qaadday Telefishanka HCTV
Last Modified: Wed 18th Jan,2012
Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland, ayaa si rasmi ah telefishanka madaxabannaan ee HCTV uga qaadday xalay xayiraad ay albaabada ugu xidhay xarumaha telefishankaas ee magaalada Hargeysa, kadib markii mulkiilaha HCTV Mr. Farxaan Xaaji Cali Axmed uu raalligelin buuxda ka bixiyey warbixin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhibsatay oo telefishankiisu baahiyey Jimcihii toddobaadkan.
Qoraalka xayiraadda lagaga qaadday HCTV oo sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay waxa xukuumadda Somaliland u saxeexay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed oo kaalin weyn ka qaatay sidii loo xallin lahaa is-maandhaafka sababay in albaabada loo xidho xarumihii baahinta iyo maamulka ee telefishankaasi ku lahaa caasimadda Hargeysa.
Waxa kaloo ilahaasi tibaaxeen in Agaasimaha Guud ee Warfaafintu ruqsad cusub siiyey telefishanka HCTV, isla markaana xukuumadda Somaliland xarumaha telefishankaas ka qaadatay xalay saqdii dhexe ciidamo bilays ah oo halkaas ku sugnaa muddo saddex maalmood ah oo xayiraad saarnayd TV-gaas, sidaasna loogu fasaxay inuu hawlihiisa baahineed dib uga bilaabo dalka Somaliland.
Go’aanka xukuumadda Somaliland HCTV kaga qaadday xayiraaddii ay hore u saartay, ayaa ka dambaysay waanwaan dhinacyo kala duwan ku hawlanaayeen dhawrkii maalmood ee u dambeeyey, kadib markii mulkiilaha telefishankaasi oggolaaday inuu raalligelin ka bixiyo warbixin tv-gaasi baahiyey Jimcihii toddobaadkan oo lagaga dayriyey saamaynta shirqoollada siyaasadeed ee kooxaha Somaliland-diidka ah beryahan dambe ka abaabulayeen dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Re: HCTV Journalist released HCTV office opens back in harge
Posted: Wed Jan 18, 2012 11:34 am
by Thuganomics
I don't see whay all the brouhaha was about anyway
Just 'cos they asked some people for their opinions regarding SL