Tfg kills ninja terrorist woman
Posted: Wed Jan 18, 2012 3:21 pm
Gabadh loo-fishay inay ka tirsan tahay Xoogaga Shabaab oo maanta la-toogtay
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta Magaaladda Muqdisho ay ku toogteen gabadh ay ka shakiyeen, taasoo dhagaha ka fureysatay amar ay u jeediyeen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee ku sugan Isgoyska Filorenza ee Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay gabadh indhaha soo duubatay ay ugu baaqeen inay indha shareerka iska furto, ayna taasi ku sheegeen mid ay ku xaqiijinayaan ammaanka, balse waa ay diideen.
“Ciidamadda Dowladda waxay maanta Isgoyska Filorenza ay ku toogteen haweeney indho shareer xirneyd, indho shareer kaliya maysan xirneen ee meeshii la-arkaaba dhar ayay ka soo xiratay, marka Ciidamadda Dowladda way ka shakiyeen waxayna ku amreyn inay indha shareerka iska furto, iyadana way diiday, Ciidamadda Dowladda saas ayay ku toogteen” ayuu yiri C/Fataax Cali Nuur oo ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Wardhiigley.