
Kulan Laba bari qaatay oo ay Dadka deegaanka Laasqoray la yeesheen waxay ku sheegeen inay qiimayn u Yimaadeen Magaalada Laasqoray taasi oo ku aadan Hir galinta iyo Dib u Yagleelida Dekeda Laasqoray.
Eng Faysal Axmed Yuusuf [Xawar] oo Waftigaasi Hormuud u ahaa ayaa Reer Laasqoray ugu Khudbadeeyay inay Qiimaynta ay qaadaan ka dib Dib ugu Laabanayaan Dalalkii ay ka soo dhoofeen ka dib ay Sawiri Muuqda ka Gaynayaan Amaanka Guud ee deegaanka si loo De Dejiyo Dhismaha Laasqoray.
Eng Xawar ayaa Maamulka Degmada Laasqoray Shir la Galay waxana uu sheegay in looga Fadhiyo inay Sugaan Amaanka Deegaanka si Shaqaalaha Ajaanibka ah ay ugu Dheeradayaan inay Booqdaan Laasqoray.
Waftigaasi oo Saaka Magaalada Badhan u Boqoolay waxa Safarkooda ku Weheliyay Laba Masuul oo Ajaanib ah kuwaasi oo u Mahadceliyay reer Laasqoray,
Docda kale waftiga Qurbaha ka Yimi Mooyaane waxa Jiray Xubno kale oo ka Raacay Magaalada Bosaaso waxana ka mid ahaa
Xildhibaan Axmed Cali Xaashi
Guurti Caysayr Faarax Bile
Xildhibaan Ilbir
Eng Awaare.
Ganacsade Abdicasiis Ayaxle.