Biography of Suldaan Saciid AUN (Suldaanka Beesha Sade Bari)

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Biography of Suldaan Saciid AUN (Suldaanka Beesha Sade Bari)

Post by XimanJaale »

He was born in Goldogob and raised in Mogadishu. He attended primary school in Xamar and secondry school in Baydhabo. He had many roles in the government of Somalia. He once was the mayor of Luuq Ganaane, he was the chairman of BRO party of Hanti Wadaaga of the Garbaharey branch. He was crowned the Suldaan of Beesha Sade of central Somalia in 2000. AUN

Great man he was :up:
Waxaa Shalay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku geeriyooday Allaha naxariistii Jano ha siiyee Allaha Unaxariisto Suldaan Siciid Cismaan faarax oo ahaa suldaanka beesha Sade ee bartamaha Dalka Somaaliya

Allaha Unaxariisto Suldaan Siciid Cismaan faarax ayaa barqanimadii Shalay ay kooxa dablay ah oo hubaysani ay ku dileen waqooyiga magaalada Gaalkacyo xili isaga iyo xubna uu horkacayay ay ka qayb galayeen kulan lagu marti qaaday oo la sheegay inuu ka dhacayay xarunta gobolka mudug ee waqooyiga Galkacyo ee Puntland.

Taariikh nololedkiisii Allaha Unaxariisto Suldaan Siciid Cismaan faarax

waxaa lagu sheegay da’diisa 68/70 sano jir waxaa uu ku dhashay Degmada Goldogob oo ka tirsan Gobolka Mudug waxaana suldaanka yaraantiisii uu galay magaalada muqdisho ee caasimada Dalka somaliya dugsiga hoose waxaa uu ka dhigtay isla magaalada Muqdisho waxaana dugsiga dhexe oo kaga baxay Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay halka dugsiga sarena uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Dhinaca Xilalka iyo Siyaasada

Allaha Unaxariisto Suldaan Siciid Cismaan faarax waxaa uu kaga baxay siyaasada machadka siyaasada ee Xalane Dowladii Somaaliya waxaa uu ka soo mid noqday milatarigii dalkeena Somaalya oo uu ka gaaray darajada sargaal Sare kadibna waxaa uu ku wareegay xisbigii Hanti wadaaga kacaanka Somaaliyeed waxaa kaloo uu noqday gudoomiyaha Degmada Luuq intii u dhaxaysay 1975/77 sidoo kale waxaa uu wakiil uga ahaa xisbigii (BRO) ee hanti wadaaga Degmada garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gado.

Allaha Unaxariisto Suldaan Siciid Cismaan faarax Waxaa uu usoo shaqeeyay in mudaa dowladii Somaliya ilaa 3 jeer waxaa uu ubaxay dalka dibadiisa gaar ahaan wadanka Ruushka oo uu u aaday siminaaro la xariira siyaasada

Xiligii loo doortay Suldaanimada

Waxaa loo doortay Suldaanimada waxaa loo doortay Suldaanimada Sanadkii 2000 isaga oo lagu caleema Saaray Degmada Caabudwaaq waxaana uu hayay xilka suldaanimada ilaa 12 sano isaga oo ka shaqaynayay nabada iyo isu soo jeedida umada soomaaliyeed mudadaa uu ahaa suldaanka magaalada Gaalkacyo oo uu ku geeriyooday waxaa uu kaga qayb galay hishiisiintii Maamulka Puntland iyo beeshii dagaalka kula jirtay oo uu kamid ahaa xubnihii xaliyay khilaafkaasi qasaaraha dhaliyay waxaa uu u joogay dhamaynta khilaaf beeleedyo kale taasi oo uu ku dhintay isaga oo wada howshii uu ku caanka ahaa ee masaalixada umada soomaaliyeeed.

Xaas iyo Caruurtii uu ifka ku reebay

Allaha Unaxariisto Suldaan Siciid Cismaan faarax waxaa uu ifka kaga tagay hal xaas iyo 3 wiil iyo 3 gabdhood isaga waxii uu dhalay waxay sii dhaleen maahane

Allaha Unaxariisto Suldaan Siciid Cismaan faarax waxaa lagu aasay magaalada Dhabad oo ka tirsan Gobolka Galgaduud galinkii dambe ee shalay waxaana aaskiisa ka qayb galay boqolaan dadwayne ah.

Allaha Unaxariisto Suldaan Siciid Cismaan faarax oo ilaahay Janadiisii Fardowso haka Waraabsho Aamiin Aaamiin Aamiin

Inaa Lilaahi Wa inaa ilayhi Raajicuun
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”