Finally Somalis have the opportunity to monitor their own expense from donation of foreign countries, no more Kenyan thiefs using our donation money from the UN. Its a new day for Somalia
Farmaajo must be laughing hardcore, ahahahaha
Riyadii Farmaajo ee ahayd in Xafiisyada Qaramada Midobay lo soo warejiyo Gudaha Somalia oo rumowdayadmin | Jan 24, 2012 | 0 comments
17 sano kadib ayaa maantay waxay Qaramada Midoobey Xafiisyadeeda ka furanaysaa Caasimada magaalada Muqdisho ee wadanka Soomaaliya, iyadoo qaban qaabada Munaasabadaasina ay ka socoto Xarunta Xalane.
Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya UNPOS ayaa maantay xarunta Xalane si rasmi ah looga furayaa, waxaana ka soo qeyb galaya munaasabada furitaanka Madaxweynaha dowladda KMG, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahiga iyo Xubno kale oo ka qeyb galaya munaasabadaasi.
In Xafiiskan laga furo Gudaha Wadanka Somalia aya waxa ka dhashay qilaaf aad u ba,an ayado Shaaqalah Xafiskan iyo Dowlada Kenya oo ka heli jirtay Dhaqaale badan ay si weyn uga soo Horjeeday balse dadaal badan oo u sameyay R/wasaarihi hore ee Somali Mudan Farmaajo aya ugu danbeyn Miro dhalay Waxaana Xafiskaan in Muqdisho laga furo qilaafki ka dhashay Ay salfatay Xilki R/wasaare Farmaajo uu u hayay Shacabka Somaliyeed ka dib marki UNPOS ay u adeegsatay Gudomiyaha Barlamanka Shariif Xasan.
Isku soo wada duubo Sanaadki tagay ee 2011 waxaa uu noqonaya Sanad Shacabka iyo Dowlada Somalia ay ku tilaabsadeen Hormar badan marka lo eego 20 ki sano ee ugu danbeyay Waxana sanadkaas Lagu tilabsaday in Awooda Al-Shabaab la wiqay in la furay Tv ga Qaranka oo manta Calamka oo dhan laga daawanayo, in dib u dhis lagu sameyaya Airporki Muqdisho Xafisyada Dowlada, Wadooyinka oo nalal la galiyay, Hay,adihi Dowlada oo dhamatood si siman u hela Mushaaraad, Dakada Magaalada Muqdisho oo Maamulkeeda la Hagaajiyay, Centraal Bank Of Somalia oo Shaqadiisi si ficaan u wata, Hay,adihi Somalia lacagaha logu deeqo Nairobi ku cunijiray oo lala Xisaabtamay, Ciidanki Qaranka Somalia oo si weyn lo dhisay lana isku xiray Gobol kuwa joogay iyo kuwa joga Casimada, isku xir lo sameyaya Shacabka Somaliyeed iyo Dowlada KMG ah iyo qaar kale oo badan .
R/wasaare Farmaajo aya waxaa lagu Xasuusan doona Geesinimo Daacadnimo Howlkarnimo iyo sidi uu uga soo baxay Xilki u Shaacabka Somaliyeed u hayay mudadii 6 bilood ahayd ee uu hayay Xafiiska Waxana dad badan Aminsan yihiin Nalki uu shiday Farmaajo in Manta uu wali ka sii shidanyahay Somalia.


