
Ayadoo dil loogu geestay 19 bishaan Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Alaha unaxariistee Suldaan Saciid Cismaan Faarax shiil Ayaa waxaa isa soo tarayo gulufka colaadeed iyo isku ciidan aruursiga ka dhextaagan beeshii uu kadhashay Suldaan Saciid iyo beeshii ay kasoojeedeen dhalinyarada dishay suldaanka oo ku abtirsada Maamulka Puntlnad.
Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa dhaq dhaaqyo ciidan oo iska soo horjeedda
kuwaas oo kuwada sugan waqoojiga magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka mudug sida ay Noo Xaqiijiyeen Ila wareedyo Lagu Kalsoonyahay.
Ciidamo farabadan oo uu hogaaminayo Col Xassan Samatar Xassan Low ayaa garay degmmada Gaalkacyo
ayada oo marba marka ka danbeeyso aay soo gaarayaan ciidamo horleh oo ka careysan dilka Alaha
Unaxariistee Suldaan Saciid Faarax Shiil Saciid Shoobareeste .
Col Xasan Low ayaa ku dhaartay hadii la soo qaban waayo dhalinyarada dishay suldaanka ,
in aaysan kacmaha kalaaban doonin aayna ka jawaab deg deg ah ka bixin doonaan, asagoo oo hadalkiisa sii wato ayuu
yiri anagu rabsho iyo dagaal ma wadno laakiin hadii dilkii suldaanka wax laga qaban waayo waxaan diyaar u nahay
in aan dhalinyaradii dishay suldaanka aan gacanteena ku soo qabano oo aan sharciga horkeenu ayuu hadalkiisa siiraacshay Col. Xasan Low .
Hadalka Col. Xasan Low ayaa imaanayo ayadoo ciidamo xoog leh oo ka amarqaata Colneylka ay joogaan Magaalada Gaalkacyo kuwaas oo sida la sheegay aad u farabadan laga yaabo in uu dagaal ku dhexmaro magaalada ayaga iyo kuwa kasoohorjeeda .
Isku soo wada duuboo saan saantaan colaadeed ee ka taagan gaalkacyo ayaa kadanbeysay kadib dil loogu geestay Suldan Siciid 19 Bishan si Bareer kaas oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.