Newly Graduated Puntland Marine Forces (Pictures)

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Newly Graduated Puntland Marine Forces (Pictures)

Post by Somalian_Boqor »

This is one of many classes that just graduated from Puntland Marine College.

Image
Image
Image

Ciidamado ka tirsan ilaalada xeebaha iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland oo dhowaan tababar loo soo xiray ayaa la geeyey degmada Qaw 30km dhinaca qorax u dhaca kaga beegan magaalada Boosaaso.

Ciidamadan oo in mudo ah uu tababar uga socdey xero ku taala aga gaarka Airport-ka magaalada Boosaaso ayaa ah kuwo si heer sare ah loo qalabeeyey waxayna xero ciidan oo hor leh ka samaysteen degmada Qow.

Xiriiriyaha ciidamada ilaalada xeebaha iyo la dagaalanka Burcad-badeeda iyo dowlada Puntland Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Xidig) oo maanta xafiiskiisa Saxaafadda ku qaabilay ayaa ka warbixiyey ciidamada degmada Qaw la geeyey iyo ujeeda ay halkaas u tageen.

Wuxuuna sheegay in ciidamadaasi ay bilaabayaan howgalo ka dhan ah Burcad-badeeda iyo dadka wax tahriibiya, howshaas oo uu tilmaamay inay tahay middii markii horeba loo dhisay inay qabtaan.

Mr Xidig ayaa dhinaca kale sheegay in Bulshada deegaanka Qaw ay ciidamadan si weyn usoo dhoweeyeen maadaama uu deegaankaasi hada saldhig u noqday kooxo badan oo Burcad-badeed ah oo laga soo saaray deegaanadii ay horay ugu xooganaayeen.

Mas’uulkan ayaa mar Horseed Media ay weydiisey su’aal ahayd waxa ka jira in ujeedada ciidamadan loo tabaray ay tahay mid dano kale laga leeyahay sida howlo la xiriira shidaal qodista uu ku jaawaabey in warkaasi uu yahay mid aan jirin ciidamadanina ay qayb ka yihiin ciidamada dowlada Puntland.

Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud (Xidig) ayaa ugu danbeyntii sheegay in ciidamada Mariinisku ay kaalin muuqata ka qaateen howlihii biyo dhaaminta xiliyadii ay abaaruhu jireen, deminta dabkii suuqa magaalada Boosaaso gubey, sugidda ammaanka magaalada Garoowe xiligii uu shirka wadatashigu socdey, iyo soo dhoweynta wefdigii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xiligii a magaalada Boosaaso kusoo jeedeen.

Howgalkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay ciidamada ilaalada xeebaha iyo la dagaalanka Burcad-badeed ee Puntland sameeyeen tan iyo markii la asaasay, waxaana dhowaan la filayaa inay xarumo ka samaystaan 6-goobood oo ay kamid yihiin degmooyinka Eyl iyo Baargaal.
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Newly Graduated Puntland Marine Forces (Pictures)

Post by KyrieJama »

Difaaca badda iyo karamada soomaliyeed :up: :som:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”